Xisbigga Kulmiye waxaannu ugu xeeranahay xalkiisa iyo xannaannayntiisa.

Cabdilaahi JohnXisbigga Kulmiye ayaa ah mid isha shacabka reer Somaliland si weyn u dhowrayso qaabka iyo qaynuunka uu u maro hawlahiisa iyo qabashadda shirka Golaha dhexe ee Xisbigga oo laggu waddo inuu qabsoomo dabayaaqadda sanadkan aan ku jiro ee 2013, hadaba Aabaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane/Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku Xigeenka Mudane Cabdiraxman Saylici iyo haldoorka Xisbigga ayaa si wadda jira qalinka ugu duugey gudidda qaban-qaabadda shirka Golaha dhexe ee Xisbigga oo dhowaan dhici doonna.

Xisbigga Kulmiye waxuu jagadda Xisbinimo xalaashaday sanadkii 2002 wakhtigaasi oo Xisbigani noqday Xisbiggii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigaasi oo ku beegnayd asaaskii Xisbigan Kulmiye oo uu hor kacaayey Madaxweynaha Maanta Axmed Siilaanyo oo ah asaasahii iyo Aabahii Xisbigga Kulmiye ee qiimaha weyn iyo quusha bilan ka hantiyey doorashooyin dhowra oo Xisbiganni uu kula tartamay asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kale oo markasta ay nagga dhaxayso ixtiraam iyo tartan xalaala oo looggu beretamaayo hogaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaasina lagu ilaalinaayo Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba, tan iyo markii aannu Xisbinimo buuxda u soo baxnay sanadkii 2002, waxaa Xisbigga dhexdiisa ka jirtey dimuquraadiyad iyo tartan xalaala oo Xisbigga dhexdiisa heer qaderin iyo maamuus weyn ku dhisan aanu isugu kala horaysiinayney oo hadba aan halka noo daran aanu ku beegeyney ninkii ka baxaaya ee kaalintaasi buuxin kara, waayo Xisbiggu hogaanka oo qudha maha ee waa dowlad dhisan oo maamulkiisii iyo maarayntiisa leh, taasi oo sidda qori isu dhiibka aanu Xisbi ahaan isugu gudbinayney, isla markaasina keentay guulo waaweyn oo laggu aflaxey, guulahaasi oo maanta Jamhuuriyadda Somaliland kob caleen iyo biyoba leh ku furay oo horumar iyo hayaan weyn ku dhisan.

Gudidda qaban-qaabaddu maray hawlahoodda fushadaan ee madasha aan isugu nimaadno, waxa keliya ee aan yeelaynaa waxuu yahay in wax kasta aanu mudnaanta ka siinno Xisbigga laftiisa oo ah beed aanu wadda leenahay oo ilaalin iyo qaderin weyn u baahan, taasi oo keeni karta maslaxadda iyo midnimadda Xisbigga Kulmiye guud ahaan oo isku aragti ka ah hawlaha Xisbigga iyo ilaalintoodda hufan si qaab caadiyanna aannu halkeedda uGu tiirinno xaajadda loogga gol leeyahay qabashadda shirka Golaha dhexe ee Xisbigga iyo hadba cidda lagu dooranaayo oo anigaba noqon karta ama qof kasta oo Xisbigga ka midda oo magaciisa u gudbiya gudidda qaban-qaabadda, haddii uu hunguri ka yahay hogaanka Xisbigga Kulmiye.

Ragga maanta muuqday ee uu ka midka yahay walaalkay Cabdicasiis Samaale isku maalin ayaanu Xisbigga wadda saxeexnay ama ku soo wadda biiray 2002, markii lagagga dhawaaqay Xarunta Gurigga shaqaalaha magaaladda Hargeysa oo si caalamiya xubinnimadda Xisbiggu halkaasi ku xalaalowdey, waxaanu isla markaasina ka wadda mid noqonay Golaha Hogaaminta Xisbigga Kulmiye ( Executive Committee) oo runtii dagaal weyn iyo dadaal badan aanu ku meel marinay si wadda jira ninna aannu Maal, Maskax iyo Muruq midna dib u dhigan, taasi oo keentay in Xisbiggu gaadho guulo waaweyn iyo midho macaan oo ummadda reer Somaliland ay u ayday keennay, waxaanna dhitaysmay ayaatiin iyo adeegaasi maanta Somaliland ka hirgalay ee quruxdda badan.

Halka dhinaca kale hogaanka Xisbigga Mudane/gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo mudane Maxamed Kaahin Axmed intaasi iyo in ka balaadhanba Xisbigga garab iyo gaashaan weyn ugu soo ahaayeen tan iyo geeddi socodkii iyo marxaladahii kala duwannaa ee Xisbiganni soo maray, halka dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo yahay in wax badan isagga lagu maamuuso ay tahay oo geesigga waa layska horaysiiyaaye ay tahay in aan isagga isk hor marinno oo taladda iyo goynteedda ay gobanimo tahay in aan dhinaciisa ku riicno si aan taladda, odeynimadda iyo go,aan qaadashadeedda cadaaladda iyo sinnaanta ku dhisan inoogga weydoobin, isla markaasina guurideenna iyo gudoonkeeddu u noqon lahayd mid god keliyaata ku aroorta oo aan madaxyo badan lahayn oo keenni karta tuhunka, muranka iyo dhibka burburiyey Xisbiyo dhowra oo qaarna qalfoof maanta yahiin kuwanna ayba baaba,een beri hore.

Fariintayddu maanta waxay tahay, waxba kala jiidan mayno ee wax ayeynu isugu jiideynnaa, nin raggii taasi waa ogyahay, dadka kalenna inay ogaadaan weeye. Qarannimadda iyo Xisbinimadeennu halkan waa Dun oo haddii aynu giijinno wey ogaysaa, markaa waxaa loo baahanyahay in aan isu debcinno oo tanaasul iyo turxaan la,aan ku fushanno hawlaheenna Xisbinimo oo ah kuwa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u baahantahay adkayntoodda maanta u baahan in guntigga dhiisha layskagga dhiggo oo gaashaan iyo gidaar adag nin weliba u noqdo Qaranka iyo Xisbigga, waayo danteenna ayaa sidaasi ku jirta, ninkii aabahii iyo awowgiiba talin jirey waa tallo ku nool oo xaajadda sidda loo dabaalo ee samaha iyo suluxa loogu negeeyo waa u taba baranyahay ee kuwa aan waxba la joogin inagga ilaaliya.

Xisbigga Kulmiye waxaan leeyahay, nin aan ogeyn waxa dudadda ama oodda dabadeedda soo taagan nin raga maha, wax uu ogyahayna ma jirto, indhaha Xisbigga iyo taageerayaashiisa laguma gubbo ee waxaa laggu gubbaa shisheeyaha iyo kuwa maanta jecel in jeeraaradiinnu Xisbigga iyo Xukumadaba isla jiidho oo weelkaasi Siyaasiyan buuxaa noqdo fara madhnaan iyo gelgelin cidlaa.

Xisbi kasta iyo taageerayaashiisa iyo hogaankiisa dun ayaa isku haysa ee hala debciyo duntaasi si ayna u go,in oo taladda iyo meel marinteedda aan ku sinno madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si aan xalku xayndaabka Xisbigga ugu jiro oo aan uga badbaadno kuwa mooska soo taagan ee yu,anaaya hawlahiina quman iyo quruxdan aan ku hawlahanahy maanta.

Hab xalaala ayey amuuruhu inooggu socdaan ee masuuliyadda iyo maaraynteeddu waa qodobo dastuuriya oo Xisbiggu hogaan iyo dabar hore uga dhigtay ee aan si weyn u dabakhno jidkaasi xalaashaa.

Cabdilahi Cali Xassan John
Xubin Golaha dhexe Kulmiye
Liverpool/UK