Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID Haddii Ayna Xukuumada Somaliland Joojin Wada Hadalada ay la Leedahay Somalia Waxa Jira Qorshe Kale oo aynaan Ogayn

 

budle

(SM) “Qaladkii Somaliland gashay 1960kii waxa nagaga dhintay in ka badan 60 kun oo qof. Qaladka aanu maanta ku socono waxa inaga dhimandoona Hal Milyan oo qof haddii aan laga hor tagin”.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID ayaa sheegay in uu shaqsi ahaan aaminsan yahay in wada-hadaladdii ay xukuumadda Somaliland la waday maamulka Muqdisho uu isku rogay mid lagu bahdilo qadiyadda Somaliland, isla markaana loogu talo galay in lagu wiiqo sharafta, karaamadda, dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland.

Mudane Yusuf Budle oo aan maalintii shalay ahayd ku waraystay khadka tilifoonka isaga oo jooga dalka Maraykanka ayaa waxa uu waraysigayagii u dhacay sidatay:

Su’aal: Xoghaye, dhawaan waxa aad soo saartay qoraal aad ku dhaleecaynayso sida ay xukuumadda Somaliland u waddo wada-hadaladda ay la leedahay dawladda Somaliya. Waxa aynu wada ognahay in ay xukuumadda Somaliland arrinkaas aad uga gilgilatay, kuna sheegtay mid mucaaridnimo oo aan waxba ka jirin, maxaad ka odhan lahayd arrinkaas?

Jawaab: Run ahaan anagu mucaaradad ma wadno, waxaanu rabnaa in aanu ifino wixii inaga qaldan. Warka ay xukuumaddeenu kolba kula soo guryo noqonayso dalkii ee ay dadkeena u sheegaysaa aad iyo aad ayuu uga duwan yahay wararka xaqiiqada ah ee aanu ka helayno madaxda aanu xidhiidhka la samaynay ee dalkan Maraykanka iyo Yuruba. Wararka aanu helaynaa waxay aad iyo aad u waafaqsan yihiin wararka ay xukuumadda Somaliya saxaafadda ku baahinayso. Marka waxa aan odhan karaa xukuumadda Xasan Shiikh ayaa labada dadkeena runta u sheegaysa ee xukuumaddeenii Somaliland been ayay maalin kasta inoola soo guryo noqonaysaa. Taasuna mucaaradad ma aha ee waa xaqiiqada dhabta ah. Waxa ka haboonayd in xukuumadeenu isugu yeedho baarlamaabka, wax-garadka iyo madaxda xisbiyadaba qaranka iyo cid kasta oo ay khusaysaba oo ay tidhaahdo “ Waar arrinku sidaanu moodaynay wuu noqon waayee maxaa dan ah”. Taasu ceeb may lahaateen, xaalado ka adagba waynu kasoo gudubnay, tanna waynu ka wada tashan lahayn. Haddii aan tusaalayaal fudud ku siiyo oo weliba inta cid walba og tahay ah oo aan ka reebo inta ceebteena dibada soo dhigaysa:

(1) Waxa saddex goor uu ku ceshay Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi in aanu jirin heshiis u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland oo ku saabsan in hawada Somaliya/Somaliland laga maamulayo Hargeysa. Waxa uu wasiirkaasu si badheedh ah u sheegay in Somaliland aanay ka duwanayn maamul goboleedyada kale ee Somaliya, sida Puntland iyo Jubbaland, wixii ku soo hagaaga, dhaqaale ahaana, ay dawladda Federalka ahi siin doonto. Waxa aynu ogayn in wasiirkanu heshiis hor leh la galay hay’addii qaramada midoobay ee maamulaysay hawada Somaliya, laguna heshiiyay in hawada Somaliya oo ay ku jirto hawada Somaliland laga bilaabo bisha Jaanuary, 2014 lagu wareejiyay 100% dawlada Somaliya, lagana maamulidoono Muqdisho.

(2) Todobaad ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed uu ka sheegay shirkii arrimaha patroolka ee London in aanay dawladda Federalka ee Somaliya ogolayn in shirkado la saxeexdaan heshiisyo gaar ah maamul goboleedyada Somaliya, oo sida uu sheegay ay Somaliland-na ku jirto . Waxa uu shirkaas ku cadeeyay in cid kasta oo heshiis la gashay maamulka Somaliland aanay waxba ka jirin heshiiskaas ayna u baahan yihiin in mar labaad ay kasoo dalbadaan heshiiska saxda ah dawladda dhexe ee Somaliya. Xidhiidhkii aanu anagu la samaynay shirkadda Genel Energy, waxa ay noo sheegtay in aanay Somaliland kusoo noqonayn ilaa arrinka isku soo noqoshadu (Federalism) uu hirgelayo sanadka 2016ka, waa sida ay noo sheegeene. Laakiin ilaa hadda dawladdeenii waxay leedahay way soo socdaan, wax soo socdana maynaan arag.

(3) Mrs. Linda Thomas-Greenfield, US Assistant Secretary, Bureau of African Affairs, xogwarranka ay siisay todobaadkan ina dhaafay gudiga Arrimaha Dibedda ee Golaha odayaasha ee dalkan Maraykanka (Senate Foreign Relations Committee Subcommittee on African Affairs), waxa ku cad in laga bilaabo 17th January 2013 ay dawladda Maraykanku dhaqan gelisay siyaasadeeda ku aadan In ay u aqoonsatay dawladda Xasan Shiikh in ay tahay dawladda dhexe ee Somaliya, wixii kasoo hadhaana ay yihiin maamul goboleedyo hoos yimaada dawladda Muqdisho, ayna weliba si cad u sheegtay in ay siman yihiin maamul goboleedyada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland. Waxa kale oo ay ku dartay in ay dawladda Maraykanku sii wadidoonto xidhiidhkii iyo caawimaddii ibno aadami ahaaneed ee ay la lahayd maamul goboleedyada ay Somaliland ku jirto si aanay ciladdi ugu iman jidka Federalism-ka ee cagta la saaray, waa sida ay u dhigtaye (halkan ka akhri qaar ka mida wararkan: http://allafrica.com/stories/201310091508.html ). Marka adeer, anagu marnaba ma wadno kutidhi kuteenay ee waxa aanu ilaalinaynaa danta Somaliland. Haddii ay dawladeenu ilduuftayna waanu xasuusinaynaa, haddii ay ugu talo gashay oo ay wado wax ayna dadkeenu ogayna, tooshkaanu ku ifinaynaa oo dadkeenaan u sheegaynaa.

Marka adeer anagu mucaaridad uma jeedno ee waxa aanu arkaynaa meesha aynu u socono iyo sida aynu weli u dhoohanahay. Run ahaantii godkii la inagu riday 1960kii mid ka daran ayaa la inoo wadaa, haddii aynaan si degdeg ah uga tanaasulin wada hadalada lala wado Somaliya.

Su’aal: Xisbi ahaan maxaa idiinka yaala arrinka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya?

Jawaab: Anagu xisbi ahaan waxa aanu ahayn xisbigii koowaad ee aaminsanaa in lala hadlo Somaliya. Ujeedadayada ugu weyna waxay ahayn “Intii calooshu buki lahayd cagtu ha bukto”. Anigu shaqsi ahaana waxay ahayd ninkii sanadkii 2009, markii uu dalka ka talinayay Madaxweyne Dahir Riyaale ee aan ka midka ahaa xisbigii UDUB, ninkii ugu horeeyay ee dabaysha siyaasadeed kaga kacdo kulankii aanu la samaynay xukuumaddii markaas ka talinaysay Somaliya. Marka al muhiim, shalay waan aaminsanaa, xisbigayguna wuu aaminsanaa, dawladeena uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuudna waanu ku raacsanayn. LAAKIIN, maanta si kale ayaa kubaddii la inoogu dhigay, haddii aynaan ciyaarta la bedelin oo tii hore ee ay ka baxeen’uun aan daba haynana dee waa la inaga badinayaa.

Su’aal: Adiga Xoghaye ahaan, siddee ayuu xidhiidhkiinu yahay xukuumadda Siilaanyo? Wax xidhiidh ah ma la leedahay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo madaxda kale ee qaranka?

Jawaab: Anigu waxaan ka mid ahay Xisbiga UCID oo weliba aan ku jiraa hogaanka ugu sareeya ee xisbiga. Waanu ku qasbanahay in aanu la shaqayno xukuumadeena. Barkee, xukuumad iyo xisbiba dalkaynu u wada shaqaynaynaa. Anigu wixii ku saabsan war gelin ama xidhiidh siyaasadeed ee aan u arko in ay anfacayso dawladeena waxa jira baratakool loo maro. Waxa aan u gudbiyaa hogaanka sare ee xisbigayaga, gaar ahaan kolba intii joogta dalka gudihiisa, si ay ula wadaagaan kolba ciddii ay khusayso. Intaana talo iyo tusaale kalamaanaan bakhaylin.

Su’aal: Ugu dambayntii, haddii uu xisbigiinu ku guulaysto hogaanka dalka marka doorashooyinka la qabto 2015ka maxaad wax ka bedelidoontaan ee ugu muhiimsan?

Jawaab: Horta arrinkaas waxa jawaabteeda leh Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga oo ah isagu qofka looga dambaynayo agendaha iyo hogaanka xukuumadda uu isagu madaxda ka yahay. Anigu haddii aan ka hadlo waxaan wax yar ka odhan karaa oo keliya siyaasadeena Arrimaha Dibedda, oo ah arrinka la ii xilsaaray: Siyaasadeena Arrimaha Dibadu waxa ay mar walba ku salaysan tahay difaac (reactionary), halka aduun waynuhu ku saleeyo siyaasad fog oo kasii fikirta sanado badan oo soo socda iyo isbedelada imandoona ee saamaynta kugu leh. Tusaale ahaa: Maanta waxa aynu ognahay in Madaxweyne cusub loo doortay dalka Ethiopia. Waa nin dublomaasi ah, safiirna kasoo ahaan jiray dalal badan oo uu Turkigu ka mid yahay. Maalintii la doortay maalintii ku xigtayba waxa booqashaddii ugu horeeyay ugu yimid maamulkii Muqdisho, ilaa hadda dawladeenu umay dhaqaaqin. Qorshaha 2016 ee lagula xisaabtamayo maamulka Xasan Shiikh maxaa inooga talo ah? Ma si toosaynu uga qayb qaadanaa fashilintiisa, mise xalal kalaa jira? Haddii uu Maamulka Xasan Shiikh ku guuldaraysto dejinta Somaliya iyo isu keenideeda, yaa bedelidoona? Ma kasii qayb qaadan karnaa diyaarinta cid qadiyadaada taageersan?

Aduunyadu meel keli ah ma taagna, maalin walba isbedel ayaa imanaya, waa in aynu is bedelkaas sii saadaalin karnaa oo lasii saaxiibi karnaa cidda qadiyadeena wax ka qaban karta. Waynu ka war haynaa isbedelka ka socda dunida carabta oo saamayn weyn inagu yeelandoona xagga baahida ay dawladaha waaweyn uga qabi karaan badaheena iyo macdanaheenaba. Muhiimadda aan uga jeedaa waxa weeyaan. Siyaasaddu ma aha in aad maanta iyo shalay ku warwareegto ee waa in aad sii saadaalin kartaa isbedelka soo socda iyo meesha ay dadkaaga iyo dalkaaga dantu ugu jirto.




Leave a Reply