XUSKA MUJAAHIDIINTII SNM OO SI WEYN LOOGA XUSAY MAGAALADA OOG EE GOBOLKA SARAAR.

Oog(SM.17/1/2013)Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayay Maalinta shuhadada SNM  ayaa lagu qabatay  Hotel Oog Plaza ee Degmada Oog.

snm-450x71

waxaana ka soo qayb galay Maamulka Gobolka Sarr Kuwa Degmadatan Oog Saladiin Cuqaal Waxgarad Haween Iyo Ururka Mujaahidiinta Soyaal Ee Gobolka Saraar waxaana maalintani ay midaysay maalmo badan oo ay shihideen mujaahidiintii u soo halgamay dalkan ee dagaalka Qadhaadh la galay Dowladaii Ditatooriga ahayd ee uu hogaaminayey Afweyne.

 

 

 

Munaasibadn ayaa si weyn looga shekeeyay maalintan iyo taariikhda ay kulmisay waxaana sidoo kale madashan lagu xusay dagaaladii faraha badnaaa ee ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaal dhamaanba gobolada somaliland Bari alaa galbeed. Degmada oog oo ay ka soo jeedaan mujaahidiin aad u tiro badan oo  qayblibaax ka qaatay Halagankii SNM ku waas oo ay ka midyihiin, Mujaahid General Cisman Cawed Haashi Dacasle , Mujaahid Maxamed Faarax Cali Daad, Mujaahid, Cali Xaashi Abdi, Cali Weere, Mujaahid Col Abdiraxamaan Maxamed Case, Mujaahid, Mujaahid Daabad Jamac Cali Shire, Mujaahid, Cali Xirsi Axmed Talalaxo, Mujaahid Saalax Cali Daad,

 

Waxaa kaloo halkaa lagu xusay dagaaladii Faraha badnaa ee ka dhacay wadankan somaliland gaar ahaan kuwii lagu hoobtay ee ka dhacay  gobolkan saraar sida dagaalkii Badweyn, oo uu hogaaminayey Mujahidkii weynaa ila hownaxariistee Maxamed Faarax Cali Daad , Dagaalkii Dabgodadood, Kii caynaba  iyo kuwo kaloo badan oo mujaahidiin badani ku dhinteen. Maayirka Degmada  Degmada Oog  Iyo Ku xigeenkiisa waxaana ay ka taariikheeyeen in dalkan loo soomaray halgan dheer oo aad u adkaa isla markaan ay tahay in  laxuso.

 

Taliyaha Qaybta Boliska Ee Gobolka Saraar ayaa isaguna tilmaamay in maalmahan oo kale la xuso lana weneeyo waxaa uu uga mahad naqay qaban qaabiyaasha barnaamijkan in maalin tani tahay maalintii idaysay ama sumad u ah maal mo badan oo ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed Ee SNM minjo xaabiyay taliskii rajiim siyaad Bare.

 

Gudoomiyaha Ururka Oogaal Ee Gobolka saraar  ayaa si dareen leh uga shekeeyay maalintan iyo qiimaha ay u leedahay shacabka waxa uu tilmaamay in ay tahay maalmihii i dagaaladii SNM  ee ay ku shahiiden mujaahidiintii SNM  waxaa sidoo kale uu tilmaamay inay kulmisay maalmihii la soo galay ciidamadii Afweyne bare  laga Xoreeyay Maalmo isku xiga Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Qaar Kamid ah kuwaas oo maalintan lagu mideeyay.

 

Dadweynihii kale ee iyaguna goobtani ka hadlay ayaa ka marag kacay qiimaha ay leedahay waxaana halkaasi lagu soo bandhigay erayo suugaamaysan oo qiiro galiyay dadkii goob jooga ahaa kuwaas oo lagu iftiiminaayo Maalintan

 

Salaanmedia/Oog

Jamac suufi Xasan

Degmada Oog GobolkaÂ