Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Galaal) oo Ka Mid Haldoorka Dhaqanka Somaliland ayaa Si Kulul u Dhaliilay Dhaqanno Cusub oo waayadan Dambe Lagu Arkay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Galaal) oo Ka Mid Haldoorka Dhaqanka Somaliland ayaa Si Kulul u Dhaliilay Dhaqanno Cusub oo waayadan Dambe Lagu Arkay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo. Suldaan Galaal oo Maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramayey Huteel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Ugu Horrayn ka Hadlay Dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, kaas oo uu ku tilmaamay in Rag ka tirsan mucaaridka Somaliland ay gacan saar la leeyihiin Xukuumadda Xamar. Suldaan Galaal ayaa Hadlka Waran-cadde ku tilmaamay mid ku soo baxay ka fiirsasho la’aan ku soo baxay oo aan laga baaraandegin dhibaatada

uu hadalkaasi keeni karo, suldaan-galaal

 

oo Keenaan hore u ma ay dhicine,Wax cad ma u haysaa mise Xaal Baan ka Bixiyaa, abti bahashu laydh bay

leedahay oo ciidan bay leedahaye sawkuwan iska Fadh fadhiya ee Bilaa

Camalka ah,” ayuu Yidhi Suldaan Galaa.Suldaanka ayaa sheegay inaan Ragga Mujaahidiinta ah ee Haatan

Waran-cadde Hadalkan kula Dul kufay aan looga Baqanayn inay Arrimahaas

oo kale ay gacanta laga galaan, milgahoodana aanay ahayn, waxana uu

yidhi, “Ragga Maxamed Xaashi, Dhegoweyne, Xasan Ciise iyo Xasan Guure

lihi wixii ay dhisteen ayey cid kale ku Burburinaysaa wax Macquul ma

ahee Abti caddayn baa halkaa lagaa rabaa Haddii kale Xaalbaan Halkaas

ka Bixyey abti baan kuu ahayoo inanka aad abtiga u tahay waxaad

jeceshahay inuu Guulaystoo oo aan la legdin.”

 

Halkan Riix oo Ka Daawo Videoga

Suldaanka ayaa farta ku fiiqay inay Nusqaan inagu Tahay inaynu maanta

is Hoos Geyno Xamar oo aynu isku Ceebayno ku Xidhnaanteeda, isagoo

wasiirkana xasuusiyey inuu Odhaahdiisa dib ugu noqdo,“Anigu Xog-ogaal

baan ahayoo Haddii cidi khatar ku keenayso Somaliland Abti Qiyaastii

Baa Kaa Luntaye ma aha kuwan ee waa meel kale, ismana aan lahayn

inagoo maanta Miisaaniyadeenu Boqol iyo Labaatan milyan oo Dollar

tahay ceeb bay inagu tahay inaynu Xamar Eegnaaye, Abti Waxad

Habeenno Dhaweyto ku hadlaysay waanu Fajacnay Dadkoo Dhan.” Ayuu Yidhi

Suldaan Galaal, waxana uu intaas ku daray, “ waxan u sheegayaa

wasiirka Abtigay Abti Bahashani waa Bahal Nalagu Baayacay oo nala

Yidhi Caasimadda iyo madaxweynaha qaata oo aanu ka soo Diidnay.”

 

 

Waxa uu sidoo kale Suldaanku Faahfaahin ka Bixiyey Sababtii markii

hore soomaalidu Dawladnimadda uga dan lahayd oo uu sheegay inay ku

Guuldarraysteen, balse Somaliland Guul ka gaadhay wixii ay dhisatay,

waxana uu yidhi, “Ujeeddadii Dawladnimada Soomaaliyeed waxa looga Dan

lahaa in La Sameeyo Astura, iyagoo is lahaa Baylahdiinaydin asturan

doontaa oo Isticmaarkaa Guuri, laakiin Markii Dambe Kaashifa ayey

Noqotay oo way kashiftay soomaalidii, Inaguna markii Taasi Burburtay

waxaynu Doonanay Dawlad yar oo Astura ah, maantana waxaynu maraynaa

Marxalad Fiican, waxana aynu samaynay Tanaasulaad oo maynaan kala

Adkaanin. Adina Nabadgelyadii Raggii igala Qayb Qaatay Baad ka mid

ahayd, Bahashaad maanta tidhi Koonfur baa laga Baabi’inayaa

dhibkaasaanu u soo marnay.”

 

 

Dhinaca kale waxa uu Suldaan Galaal ka hadlay Arrimo siyaasadeed badan

oo la xidhiidha Dhinaca Siyaasadda oo inta badan aan Bulshada loo Soo

Bandhigin, iyo Heshiisyo Mashaariic Guulo leh oo Xukuumaddu La

Gaadhay Dawladaha caalamka ee Mashaariicda Wax ku Oolka ah Bixiya,

“Dawladda Muqdisho waa kuwii inagu sheegay inaynu Gobollo ka mid ah

nahay markii ay ku-meel gaadhnimada ka baxeen, laakiin shirkii dhawaan

ka dhacay Dalka Beljium-ka ee Soomaaliya hallagu caawiyo la yidhi,

waftigii Dawladda Soomaalida Halkaas u tagtay waxa lagu xidhay oo lagu

Yidhi Somaliland Nabadgelyo ayey Haystaan idinkuna Ictiraafkii Baad

haysataan, markaa Mashaariicda la soo qaybsada oo la soo sameeya,

Shirkii dhawaan Chine ka dhacayna waxa lagu Go’aamiyey oo Soomalia

loo sheegay inaynu Chine la Tagno mashaariic aynu u wada Dhannahay,

wax aynu ka Maqanahayna la siin maayo oo loo Oggolaan maayo” ayuu

yidhi Suldaanku.

 

 

Sidoo kale waxa uu Suldaanku Xusay in wixii dhib ah ee Shacabka iyo

Waddankaba Soo Gadha ay kala Xisaabtami Doonaan Xukuumaddan Kulmiye,

waxana uu yidhi, “Maanta Haddii waddanku wax Noqdo cidda aanu u

haysanaa waa Kulmiye, cidda xukunka haysata iyo Tujaartooda ayaanu u

haysanaa, ninka Talo Diidaana waa Gar Diid. Wada tashi iyo in wax la

wada ilaaliyo ayaa loo Baahan yahay.”

Ugu Dambayntii waxa uu Suldaan Galaal is weydiiyey sababta ay

xukuumaddu u qarinayso Mashaariic uu sheegay in Dunidu inoo

Oggolaatay, waxana uu ka Codsaday in Mashaariicdaas la Hawlgeliyo oo

dadka wax loogu qabto, waxana uu yidhi, “waar maxaa Mashaariicda iyo

Dib udhiska loo soo qaddimi la’yahay, maxaa loo qarinayaa ee loo soo

Bandhigi la’yahay mashaariicda Chine iyo Buljium la inooga oggolaaday

ee lagu Ballamay in labada Madaxweyen Saxeexaan.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Togaherer