Golaha Wasiirada Somalia Ayaa Maanta Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda Sanada 2014 Iyo Gudoomiyaha KMG Ah Ee Bangiga Dhexe

Shirka Golaha Wasirada Somalia

Muqdisho, Khamiis, 28, Nove, 2013—–Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodi caadiga, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Miisaaniyadda sanada 2014, Gudoomiyaha KMG ah ee Bangiga dhexe, iyo arrimaha amniga.

Ugu horayntii Wasiirka gashaandhiga ayaa ka warbixiyey guulihii ciidamada dowladu ay gaareen maalmihii la soo dhaafay iyagoona gacanta ku dhigay tuulada Buq-koosaar oo u jirta magaalda baladweyn 50 km. waana meelihii ay ka soo qaadi jireen kooxaha nabad diidka ah weerarada gaadmada ah iyo qarxyada ismiidaaminta, waxaana firxadkoodii gaaray Degmada Buulbarde kadib markii ay ku jabeen tuulada Buq-koosaar.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyada sanada 2014 taas oo gaaraysa 220 malyan oo doolar, waxaana miisaaniyada sanadkaan lagu soo kordhiyey qoondo loo sameeyey Hay’adaha kala ah: Hay’ada Xadaynta Badda, Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, Jaamacada Umadda, Gudiga Qaxootiga Qaranka, Gudi Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamada dastuuriga ah oo loogu kordhiyey lacag gaaraysa 1.5 malyan oo doolar.

Dhanka kale golaha ayaa 100% isku raacay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda oo ahayd in si KMG loo magaacaabo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo Bashiir Ciise Cali oo ah aqoon yahan Soomaaliyedd khibrad dheeraad ahna u leh arrimaha maaliyada kuna soo dhexjiry 50-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiyadii kala duwaan ee dalka, isagoona la soo shaqeeyey dhamaan dowaladihii dalka soomaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Bashiir Ciise inuu yahay shaqsiga ugu mudan oo qaban lahaa shaqadaan culus ee Bangiga, kana rajaynayo inuu wax weyn ka badali doono habka uu u shaqeeyo Bangigu. Isagoona ku tilmaamay inuu yahay nin khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, mudo aad u faro badan ka soo shaqaynayey Bangiyadii Soomaaliya.

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu qabaa in wax-qabadka Xukuumadda ee sanadkii na dhaafay uu ahaa mid aad u sareeyay, wuxuuna golluhu soo bandhigi doonaa faah-faahinta arrintaan la xariirta. Goluhu wuxuu gudoonka baarlamaanka ka codsanayaa inay siiyaan fursad ku filan oo ay ku soo bandhigaan waxqabadka sanadkii tagay, waxayna ku kalsoon yihiin inay ku qancin doonan baarlamaanka wax-qabadkoodii.

Salaanmedia/Mogdisho