Madaxweyne Faroole Oo Ka Hadlay Xaalada Dadkii Ay Saameeyeen Roobabkii Ka Da’ay Puntland

(SM:Garoowe)  Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay xaaladdii ugu dambeeyay ee dadkii ay saamaynta ku reebeen roobabkii dhawaan ka da’ay qaybo ka mid ah Puntland, sidoo kale wuxuu markii ugu horreysay wax laga xumaado uu ku tilmaamay xaaladda ay ku nool yihiin qoysaskii waxyeelladu ka soo gaadhay fatahaaddii uu sameeyay wabiga Shabeelle.

 “Roobabku waxay ahaayeen kuwo saamayntoodu ay xooganayd, waxayna waxyeello u geysteen qoysas badan, sidoo kale waxaa xidhmay marinnadii loo mari jiray dhul ballaadhan oo ka tirsan Puntland, halka ay go’day waddadii ugu muhiimsanayd ee isku xiri jirtay Garoowe iyo Bosaaso, waxayna taahi ka dhigtay inay sii murjiso xaaladdii marka jirtay, balse xilligaan waxaan oran karna xaaladdu way ka wanagsan tahay sidii hore,” ayuu yidhi Faroole.

Madaxweynaha Puntland oo sii hadlayay ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lugu doonayo in dib nolashoodo loogu soo celiyo qoysas badan oo roobabkii, ka da’ay Puntland xoolahoodii ku waayay, isagoo xusay inay wadaan gurmad ay ku doonayaan in dib-u-dajin ay helaan qoysas badan oo xoolo dhaqoto ah kuwaasoo intooda badan xoolahoodii ku waayey roobabkii iyo dabeylahoodii is-watay.

Salaanmedia/Hargaysa