Home Wararka Musharax Ku Xigeenka Jagada Madaxweynenimada Ee Xisbiga UCID Oo Lagu Soo Dhaweeyay...

Musharax Ku Xigeenka Jagada Madaxweynenimada Ee Xisbiga UCID Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Maraykanka

AbdirashiidUCID
Minnesota,(SM) Waxa xalay si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis, Minnesota, USA musharax ku xigeenka jagada Madaxweynenimada ee Xisbiga UCID, Mudane, aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan. Waa markii u horaysay ee uu Mudane C/rashiid ku yimaado dalkan Maraykanka tan iyo intii uu noqday Musharax ku xigeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID.
AbdirashiidUCID1
Waxa si weyn usoo dhaweeyay Musharaxa taageerayaasha Xisbiga UCID oo aad u tiro badan oo ay horkacayeen Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee USA, Mudane Xasan Yonis C/lahi.
AbdirashiidUCID2
Waxa kale oo iyaguna si weyn uga soo qayb galay soo dhawayntaas qaar ka mid ah oday dhaqameedyada, aqoonyahanada iyo Culimo Awdiinka reer Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Minesota oo ay hor kacayeen Suldaanka guud ee beesha Jibriil Yoonis, Suldaan Abubakar Wabar iyo Shiikhul beledka dadka ku hadla afka Soomaaliga ee dalkan Maraykanka, Shiikh Sacad Muuse Rooble.

Musharaxu waxa uu socdaalkiisan ku joogi doonaa gobolkan Minnesota muddo saddex maalmood ah, halkaas oo uu kula kulmidoono dhamaanba taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiga UCID iyo weliba bulsho weynta Somaliland eek u dhaqan gobolkan Minnesota.

UCID Media