Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL oo lagu soo dhaweeyay dalka Ugandha.


Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL oo lagu soo dhaweeyay dalka Ugandha.


wasiirka ayaa wuxuu gaadhay saacadu markay ahayd 2:30-kii habeenimo ee xalay.



Uganda (SM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa xalay cabbaara seddexdii habeennimo ka degay gagada diyaaradaha ee magaalada Kampala ee dalka Ugandha
Wasiirka oo uu weftigiisa ku wehelinayay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Dr Maxamed Cabdillaahi Sifir ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan dawladda Uganda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi iyo gudida ururka jaalliyadda Somaliland iyo ardayda u dhalatay Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha ku yaalla dalka Uganda iyo jaalliyadda Somaliland ee dalkaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxa uu ka dhagaystay warbixin kooban Gudida ururka Jaalliyadda Somaliland ee Uganda.
Waxa ka mid ah xubnaha firfircoon ee jaalliyadda Somaliland ee kaga hortegay gagada diyaaraha Weftiga Wasiirka xubno ay ka mid yihiin Muxiyadiin Maxamed oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland, isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay abaabulka qorshaha xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Uganda iyadoo aanu xilligan xaadirka ah jirin Wakiil ay Somaliland ku leedahay dalkan. Waxa isaguna ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee qaybta libaax ka soo qaatay soo dhawaynta weftiga iyo xidhiidhka labada dalba Mudane Rashiid Jaamac oo ah mudane Somaliland ka soo jeeda oo ku dhashay dalka Uganda, kuna koray oo halkan oo deggan Kampala. Sidoo kale, isaguna madasha ku sugnaa oo kaalin ka soo qaatay soo dhawaynta Wasiirka iyo weftigiisa Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee Ugandha Mudane Cabdirasaaq Daaud Cigaal (Sheeko) iyo sidoo kale Xoghayaha Ardayda Somaliland Mudane Ismaaciil Iidaan iyo masuulka u qaabilsan Isku Xidhka Jaalliyadda iyo Ardayda Xamse Xaaji Dool.

Waxa kale oo iyaguna ka qaybgalay soo dhawaynta Weftiga Wasiirka Xafiiska Wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Bulaxaarnews.com ee Kampala.
Waxa xusid mudan inaan sheego inaanay u suurtagelin dadweynaha tirada badan ee jaalliyadda Somaliland ee Uganda oo aad ugu hanweyn qaranimadooda Somaliland wakhtiga uu ku soo beegmay imaatinka wasiirku awgeed oo ahayd 2:30-kii habeenimo ee xalay, isla markaana uu madaarku ka fogyahay caasimadda isagoo u jira masaafo dhan 45km.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa la dejiyay Sheraton Hotel ee Kampala xalay markii ay soo gaadheen dalka Uganda
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo maantaba guda galay hawlaha u qorshaysnaa ee safarkiisa Ugandha ayaa kulamo dhawr ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas, isla markaana lagu wadaa inuu la kulmi doono dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo Madaxtooyada Uganda mudada uu uu ku suganyahay dalkaasi. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu la kulmi doonaa ururka jaalliyadda Somaliland ee Ugandha iyo gudida Ardayda waxka barta jaamacadaha dalkaasi maalinta axadda sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku dhaw weftiga Wasiirka.
Akhristayaal, waxannu si deg deg idiinku soo gudbin doonnaa wararka ku saabsan safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Maxamed Biixi Yoonis ee kulamada uu la qaato madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dawladda Uganda.
Socdaalka weftiga Wasiirka Arrimaha DIbadda Somaliland ee Uganda ayaa filayaa inuu kor u qaado xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga labada dawladood ee Somaliland iyo Uganda.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho: Bulaxaarnews.com

: 2013-11-29