Ali Guray Oo Jawaab Kulul Hawada U Mariyay Saleebaan Gaal: Malaha Wuxu U Baahan Yahay In La Xusuusiyo In Cabdiraxmaan Iyo Cigaal Ba Ay Madaxwayne Yaal Ahaayeen Oo….

CALI GUREY

New york,(SM)- Gudoomiye ku xigeeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID- ayaa caawa ganafka ku dhuftay hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyaha guurtida shalay ee uu ku mamnuucaayay ama xaarantinimaynaayay shir talo qaran ah oo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Wadani, Cali Guray oo barta Facebook- uu ku leeyahay ku baahiyay dareenkiisa hadalka Saleebaan Gaal ayaa waxa uu qoraalkiisaasi u dhignaa sidan hoos ku qoran

Saleebaan Gaal, Kuyee xisbiyada mucaaridka ihi shir ma qaban karaan. Muu odhan xaq uma laha inay shir qabtaan, waayo taasi waxay noqon lahayd in uu ka hadlayo sharci oo dabcan daliil sharci oo ka mamnuucaya xisbiyada mucaaridka ihi inay shir qabtaan ayuu sheegi lahaa haduu jiro, mana jiro oo waa la og yahay. Marka xukunku aanu qaynuunka ahayn ee uu qof yahay haa way dhacdaa qofka awooda xukunka haystaa in wixii uu ogol yahay na sharci noqdo, xataa hadii aanu ahayn, wixii aanu ogolayni na uu sharci daro noqdo, xataa hadii uu sharci yahay.

Saleebaan malaha wuxu u baahan yahay in la xusuusiyo in AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Cigaal ba ay madaxwayne yaal ahaayeen oo mucaaridkii ka soo horjeeday ay xabad kala hor yimaadeen oo uu raali ka ahaa qayb na ka ahaa. Maanta na mucaaridka Madaxwayne Silanyo waxa uu u diidan yahay saw hadal maaha?. Bal cadaaladaa daya? Iska daa, malaha Gu’na uma kordhin, garaad na uma kordhin eh waxa ukordhay Gar’adag. Kolay anigu sida aan qabo waxa fiican in xukunku uu qaynuunka noqdo( rule of the law) ee aanu qof iyo jacayl kiisa iyo nacayb kiisa noqon ilayn hadii kale qofna qof ma xukumi karo, reer na reer ma xukumi karo eh

Ali Yusuf Ali Guray