ALLAHA Unaxariistee Huda Rafle oo Cudurka Kansarka Aakhirkii U geeriyootay.

ALLAHA Unaxariistee Huda Rafle oo Cudurka Kansarka Aakhirkii Ugeeriyootay.

Nov 30, 2013

huda rafle

Allaha u Naxariistee Suxifiyad Huda Rafle oo ka tirsaneyd Bahda Saxaafadda Soomaalidda ee Dalka
Canada ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka ah oo marxuumadda marar badan ay ka codsatay dhaqtarkeeda inuu saaro Iskaan maadaama ay ka shakisan-tahay cudurka Kansarka.
Gabadhan ayaa 5-tii bishii Sadaxaad ee sanadkan tagtay Isbitaal lagu magacaabo Trillium-Health-Partner
iyadoo xanuunka ka cabanaysa ,waxaana dhacday nasiib-darro dhakhrkeeda oo lagu magacaabo Ivo-Slazic ayaan
mas’uuliyad iska saarin inuu iskaan saaro,kadib markii ay u sheegtay in xaaladda caafimaadkeeda aad u
liito una baahan-tahayIskaan. 5-bioodl kadib ayey ku noqotayDhakhtarkii ayaa iskaankii  saaray waxaanu dhakhtarkii ogaaday in cudurka kansarka uu
wadnaha ku fiday ayna ugu dambeyn bisha Noverbertii  dhimanayso,waxayna ugu dambeyn
Marxuumadda ku dhimatay dhabta.
Qoyska Marxuumadda ayaa hadda dacwad ku furay Isbitaalka Tirrillium-Health-Partener oo lagu soo
oogi-doono in ay dayaceen  ogaanshiiyo la’aanta xanuunka oo ay in badan ka cabanaysay,Tasoo hadii lagu helo ay qoyska ay ka dhalatay heli doonaan magdhaw aad u badan.

Salaanemdia/London

Â