Arsene Wenger Oo Wacad Ku Maray Inuusan Cayaaryahan Dambe Ka Iibin Doonin Kooxda Arsenal

Arsen Wenger

Tababaraha kooxda Arsenal oo la hadlaayay TalkSport ayaa wacad ku maray inuusan kooxda Man United cayaarahan kale ka iibin doonin inta uu xilka Arsenal ku fadhin doono, macalinka reer France ayaa ka dhawaajiyay inuu ka shalaayay go’aankii uu Robin Van Persie kaga iibiyay kooxda Man United sidoo kalna uu haatan qaladkiisa dareemay wuxuuna yiri “100-sano ee socoto masii maamuli doono kooxda Arsenal balse inta aan aniga Emirates ku suganahay lagama yaabo inaan cayaarayhan kale Man United ka iibino waayo waxaan doonayaa qaladkii aan horey u galay inaan saxo inkastoo dhibaatadiisa aan horey u dareemay”

Wenger sanadii 2012 ayuu Van Persie ka iibiyay kooxda Man United asigoo ku badashay £24m waxayna midaas sababtay in RVP uu Man United Premiership-ka u qaado xili cayaareedkii sidoo kalena weeraryahanka reer Holland Arsenal inuu sedexda dhibcood ka dhigto ayuu caadeestay arintaas awgeed Wenger ayaa sheegay in xifaaltankii Man United kala dhaxeeyay uu wado cusub qaadi doono madaama isaga iyo maamulka Arsenal ay wada go’aansadeen inaysan cayaaryahan dambe Man United ka iibinin wuxuuna yiri “arinkaas si wada jir ah ayaan meel ugu xirnay mardambe Man United xiriir cayaartooy is dhaafsi ah ma wadaagi doono mana ka aqbali doono dalab walbo oo ay noosoo bandhigaan hadii cayaaryahan muhiim ah ay naga soo dalbadanaan”