Axmed Godane oo xabsiga u taxaabay hogaamiye muhiim u ahaa Shabaab

image

Warar ay Qoreen Websetyada Al-shabaab  ayaa  lagu sheegaya in Ciidamo ka amar qaata Hogaanka Al-shabaab Axmed Godane ay  Xidheen Gudoomiyhihii Gobolka Sh/dhexe ee Al-shabaab Yuusuf Ciise Kabakutukade.

Xadhiga Kabakutukade ayaa waxaa lagu shaaciyey qaar kamid ah Websetyada Al-shaab Garba ka mid,waxaana la sheegay in sidoo kale lala Xidhay Saraakiil la socotay.

Wararka waxa ay sheegayaan in aan la ogeen ujeedada Yuusuf Ciise Kabakutukade,laakiin uu u yeedhay Axmed Godane si ay uga qeyb galaan Siminaar Diini ah lagu wacyi galinayo Al-shabaab kadibna uu Xabsiga dhigay.

Xadhiga Yuusuf Ciise ayaa waxaa lagu ogaaday kadib markii uu sida la sheegay uu la soo xadhiidhay Ilaaladisa islamarkaana uu ku wargaliyey in la xidhay Hubkii iyo Taleefanadiina laga qaatay,inkastoo aan la ogen Goobta lagu xidhay.

Marar farabadan ayaa hogaanka Al-shabaab waxaa uu dil iyo Xadhig u geystay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho