Baaq gurmad deg deg ah:Ujeedo :- In loo gurmado dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay Dabkii State house iyo Roobabkii ka day maalmihii ugu dambeeyey Geeka Afrika gaar ahaan Somaliland

Ujeedo :-  In loo gurmado dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay  Dabkii State house iyo Roobabkii ka day maalmihii ugu dambeeyey  Geeka Afrika gaar ahaan  Somaliland

 migiste

« Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba ,waxaa wax lala yaabo ah in ,iyadoo ay shacabka ay soo gaadheen qasaare naf iyo maalba leh,oo ay geesteen Dabkii  qabsaday Degaanka « State House » oo ka tirsan Xaafada shacabka iyo Daadadkii ka dhashay Roobabkii maalmihii ugu dambeeyey ka dayey guud ahaan Geeska Afrika ,gaar ahaan Somaliland,in Xukuumada Somaliland  ay ilaa hadda ka dhegaha ka furaysatay qaylo dhaanka Shacabka ee soo geedhaysa dhamaan Gobolada Somaliland.

Qasaaraha ilaa hadda Shacabka soo gaadhay waxaa ka mid ah :-

1.     Waxaa  intoodii badnayd  gubatay Degaanka « State House »,oo ka tirsan Xaafada Shacabka ,waxyarna u jirta Madaxtooyada Somaliland.

2.     Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Somaliland ka day Roob mahiigaan  ah ,kuwaas oo dhibaato u gaystay dadka danyarta ah ee ku nool Gobolada Somaliland.

3.     Waxaa goay qaar ka mid ah Wadooyinka Somaliland ,taasina waxay keentay in ay kala xidhmaan  qaar ka mid ah Gobolada Somaliland.Waxaa ilaa hadda ku xayiran meelo badan Gaadiid aad u fara badan,oo sida meeceeshado kala duwan.

Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland,gaar ahaan Ganacsatada iyo Qurba jooga in ay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadka danyarta ah ee ay aafeeyeen  Dabka iyo Daadadku.

 

 

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

            abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman