BALANBAALISTII iyo SHINIDII

CALI

Anoo meeshii sii fadhiya , oo la yaaban dhaqankii QUDHAANJADA , ayaa waxa soo martey cayayaan aad u qurux badan , waa xiligii BALANBAALISTA .

Culimadu waxay sheegeen , inay BALANBAALISTU tahay ta ugu muruqyada (xoogga) wayn  makhluuqaadka illaahay abuuray , ha arkin yaryaraanteeda iyo jiljileeceeda , intaa way duuleysaa , baalasheedaasuna mar qudha isma taagaan , geed ilaa geed kale ayey u kala duuleysaa , iyada oo aan daalin , marqudhana ma nasaneyso , mana fadhiisaneyso ,
Hadana wax allaale iyo wax lasheego oo ay qabaneysaa ma jirto , u jeeddo ay ku foogan tahayna ma la garanaayo , mana jirto .
Taasu waxay la mid tahay , sida qaar ka mid ah  mas uuliyiinta (wasiiradeena + muxaafid iyo mucaarad ) kaydoontoba ha ahaatee   , kolba meel iskaga raacaaya waftiyada , iyaga oon shaqo ku lahayn arinka loo dhoofaayo , waxna ka garaneyn , arimaha meesha lagaga wada hadlaayo , aqoon iyo khibrad iyo garaadna toona u laheyn , 
Taana waxa ka sii daran waxba kama soo faa iidaan , kamana soo korodh sadaan , waxaan kharash ahayn mooyaane ,
waxa qudha ee ay kala soo noqdaan , waa SAWIRO badan oo ay isla soo sawiraan , cidda ay u tagaan , iyo TV yada qaranka oo ay ka hadlaan , oo ay sheegaan wax aanay waxba ka garaneyn , oo aan sal iyo raadna toona laheyn.
Waar am wax soo khordhiya ama meeshiina iska asqaysnaada .
LAAKIIN  SHINIDA haddaad u fiirsato , waxad ka baran kartaa , waxyaalo fara badan , CILMI -AQOON -SHAQO -WAXQABAD-WAXTAR – MAAMUL WANAAG  -NIDAAM -SHARCI – KALA DANBEYN -SINAAN IYO HOGAAN FIICAN .
SHINIDA wax badan ayaa laga baran karaa , ee dad yahaw bal wax ka barta .
Waynu wada dhadhaminay shinidu waxay sameyso macaankiisa (malabka )  shaqo kastaana , haddii si daacad ah loo qabto , waxay noqoneysaa , sida malabkaa shinida , ee mas uuliyiinta waxaan leeyahey bal CILMA SHINIDA WAX KA BARTA .
 
cali maxamed biixi           CALIWWELLI@HOTMAIL .CO.UK