Booliiska Ohio Oo Baadi Goobiya Dadkii Dilay Wiil Soomali ah

NINNov 22,2013 (SM)-Booliiska magaalada Columbus ee gobalka Ohio ayaa weli baadi goobaya kooxdii ka danbeysay dilka wiil Soomaali ah Allaha u naxariistee oo lagu magacaabo Cabdifatax Yusuf oo 9kii bishan November lagu dilay magaaladaasi.

Jaaliyadda Soomaalida iyo ehelada wiilkaasi ayaa aruuriyey lacag gaareysa $6000 oo dollar oo loo balan qaaday qofkii soo sheega xog ku aadan dadkii ka danbeeyey dilka wiilkan.

Cabdifatax Yusuf ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen rag aan haybtooda la aqoon isagoo maraya meel u dhaxeysa wadooyinka Lantern Dr. iyo Derbyshire Dr. Taariikhdu markay ahayd 9kii November.

Dadka goobtaasi ka agdhawaa ayaa booliiska u yeeray kadib markii ay maqleen rasaas halkaasi ka dhacday, iyadoo marxuumka isagoo meyd ah laga helay wadada dhenaceeda.

Booliiska Columbus ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka cidii xog ka heysa dilkan inay lasoo xiriiraan telefoonka (614-461-TIPS).

Salaanmedia/Desk