Booqashada waftiga dawlada Kenya , Waxba ka bedeli maayan go’anka Qaadka ee dawlada UK:

Booqashada waftiga dawlada Kenya , Waxba ka bedeli maayan go’anka Qaadka ee dawlada UK:

Qalinkii Adan Jama Kahin, Gudomiye Kuxigeenka Ladagaalanka Qaadk isla markaana ah Madaxa iyo Tafatiraha Wargeyska Onkod, UK.

Waan idin salaamay dhamaantiinba intiina maqaalkan akhrisanaysa. Sida aan ka soo xigtay Jariirada Kenya ee la yidha Xidigta ( The Star). Waxa dalkan UK ku yimi booqasho wafdi ka socda dalka Kenya aqalkiisa wakiilada kaaso u olalaynaya in sidii ay ugu qancin lahayeen dawlada UK, in aan laga joojin ganacsigooda Qaadka ee yimaada dalkan UK.

Haddii aan idin xasuusiya waxan qoraal hore idinku sheegay in Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya iyo Gudomiyaha gobolka Miira ee Kenya ay u qoondeeyeen lacag dhan ila $10 million oo Dollar, si loogu bixiyo olalaha ah in lagu qanciyo dawlada UK, inay goa’nkeedi hore bedesho ee ahaa inay Qaadka mamnuuci doonto…. Waxay doonayan inay lacagtaa ugu adeegsadaan Garyaqaan caalamiya oo u ku dooda inanu Qaadku mukhadaraad ahayn, iyo waliba hawlihii kale ee loogu baahdo in loogu sameeyo fulinta hawlaha kale ee arrinta fududaynaya.

Si, kastaba ha ahaate waxa imika jooga waftidigaa aan kor ku sheegay. Sida aan wararka ku hayno waxay waftiga hogaaminaya Madaxa Gudiga Arrimaha Gudaha Mr. Keith Vaz ay wadahadalo la yeeshen Gudiga Arrimaha Dibada ee UK oo uu hor kacaayo Mr. Richard Haway. Waxa kale oo ay wadaan inay adeegsadaan dadka Somalida ah ee degan UK, si ay hawlahooda ugu fududeeyaan kuwaso ay u arkaan inay yihiin macaamiishoodi.

Dhinaca kale Gabadha Madaxda ka ah ururka Dumarka ee Gobolka Miiruuga Kenya oo iyana ka mid ah madaxda hogaaminaysa Wafdiga halkan u timi arrinta. Gabadha oo la yidha Florence Kajuju taaso iyadu jecel inay u baajiso dalka Kenya lacag dhawr million oo Dollar kuwaaso laga heli jiray ka ganacsiga Qaadka Miirooga ee UK loo soo diro.

Waxa u ku soo gabagebeeysay Tafatiraha Jariirada (Star) hadalkiisi , marka la iska dhaafo joojinta Qaadka miirooga oo dhan ila 6 ton oo miirooga kuwaaso loo iibgeeyo UK, kaaso ay ka hesho dawlada Kenya dhaqaale dhan in ka badan 4 billion oo shillingka Kenya ah sanadkiiba. Hadana wali waxay tahay dalka Somalia dalka ugu weyne caalamka ee laga iibiyo Qaadka Miirooga. Kaaso lagu Qadaray lacagta laga helo ila 10 billion oo shilinka Kenya ah.

Inta kadib, waxan manta Telefon kuwada hadalay Xafiiska MP Laercaster oo ah mudanaha nala wada hawshan olalaha Qaadka, isla markaana ah ninka arrinta Parlimanka iyo Wasiirkaba hore ugala hadlay. Waxanu ii sheegay mudanuhu, In ay markii hore ahayd in Aqalka Wakiilada arrinta Qaadka ka shiraan, Isniinta. Laakin, hawlo xagga Aqalka Wakiilada ee UK dib ugu dhacay dartii, ayaa arrinta dib loogu dhigay.

Waxa kale oo ii sheegay Mudane Laercaster in marka laga hadlayo wafdigan ka yimi Kenya, aanu arrintooda waxba ka bedeli doonin, isaga hadalkiisi sii wata wuxu yidhi dalkani waa dal dadka u fasaxay inuu qofwaliba wuxu jecelyahay sheegto. Laakin u malayn mayo inay arrimaha ay wadaan wax u dhimi doonaan joojintii Qaadka ay Xukuumada UK hore u sheegtay.

Waxan ku soo gabagaynaya maqaalkan, imika sidaa arkaysan waxa halkan jooga wafti sare oo ka socda dawlada Kenya kuwaaso u doodaya in ka ganacsiga Qaadka ee UK loo daayo. Iyadoo sida ay jariirada ay ku sheegeen kuwa lacagta xooga leh laga helaana ay yihiin dadka Somalida.

Waxa nasiib darro in dadka ka madaxda ah shantii Somaliyeed ee Somaliya, Somaliland , Djibouti, Somaligalbeed iy NFD. In ilaa imikaba lahaynba qof masuul ah meeshu doonaba ha jooge oo arrinta Qaadka soo Qaada Muxaafid iyo Mucaarid midkuu doonaba ha ahaadee. Meesha ay dawlada kenyaba dadkeeda ugu doodayso. Ilaahayaw hanaga qaadin damiirka iyo dadnimadaba.

Kahin

Qalinkii

Adan Jama Kahin
Gudomiye Ku Xigeenka
La Dagaalanka Qaadka.