Boqor tinimada buur-madow oo ka bilaabmatay afduubkii ganacsade juujuule!

                                         Boqor tinimada buur-madow oo ka bilaabmatay afduubkii ganacsade juujuule!

BUURMADOW

Waxa la yidhi qofka bani aadamka ah huga uu sito waa xishood iyo iimaan labadaasina ma kala hadhaan oo hadii iimaanku meesha ka kabaxo xishood jirimaayo! hadaynu isdultaagno wax yar taariikhda buur-madow markii ugu horaysay ee uu soogalay war baahinta Somaliland waxay ahayd markii uu afduubay ganacsadii waynaa ee reer hargaysa ee la odhan jiray juujuule IHN waxa uu la galay buuraha uu hada la magac baxay ee bariga saraar sida uu sheeganayo buur-madow xiligaa waxa uu ahaa ganacsade adhiga kiisa yar yar ee markaas aan seylad iyo sarar gelayn inta uu iibsado oo mudo daajiyo markay koraad dib seyladaha uga iibiya,
 
sida uu ku dacwoonayo buur-madow waxa uu yidhi waxaan ka iibiyay ganacsade juujuule adhi uu amaah igaga qaatay kadib waan ka soo saari waayay xoolihii uu iga amaahday way dhacdaa bani aadamku inuu wax kala amaahdo oo uu kala helo ama uu kala waayo waana sune nolosha bani aadamka, 
 
waxaase dhaqan cusub ku ahaa talaabadii uu qaaday buur-madow taas oo aan markaas laga aqoon dalka Somaliland in qof caana oo ganacsade ah oo meel walba taga oo umada macaamil la leh inta aad afduubto aad buuro la gasho! oo halkaas sida budhcad badeeda somaliya ka dilaacday aad madaxfurasho ugu haysatid! sida aan ka warqabo waa qifkii ugu horeeyay ee Somaliland ah ee inta xoolo dayn ah lagu yeesho buuro lala galo! waa dhaqan inagu cusbaa oo ugub inagu ahaa oo uu bilaabay buur-madow!
 
waxay keensatay dhacdadan ugubka ahi in gudoomiyaha guurtida oo markaas ahaa siyaasi reer Somaliland ah oo aan qaranka xil ka hayn oo hargeysa iska jooga in isna loo afduubo oo ay noloshiisu khatar gasho! waxaana afduubka u geeysatay qoyskii uu ka soo jeeday ganacsadihii buur-madow buuraha kula jiray! hadal dheer iyo dedaal loo galay dejinta xaaladan sidii aanay faraha uga bixi lahayn ayaa lagu xaliyay in labada odayba laga siidaayo afduubka loo haysto!,
 
wixii intaas ka danbeeyay buur-madow waxa uu cumaamatay inuu noqdo hogaamiye dhaqameed isaga oo si aan loo dhamayn isu caleemo saaray iyada oo aanay talo qabiil ka yeelan beesha uu ka soo jeedo ee baho biciido waxa uu dhexda u fadhiistay khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa c/laahi yuusuf oo markaas puntuland haystay iyo cade muuse iyo jaamac cali jaamac oo isku dhinac ahaa waxa uu ku doodaa inuu khilaaf kaas soo afjaridiisa isagu sabab u ahaa (ogaadeen damiin kama dhigteen ee yaa udirsaday howsha!) bal ogow dalka waxaa markaas ka jiray xukuumad matesha siyaasada gudaha iyo ta debeda cid howshaas u diratay oo uu kaga wakiil ahaa mayjirin waxay ahayd mid badhidhookh ah!,
 
wuxuu ku dhex milmay xisbiyadii siyaasada ee Somaliland ka jiray waxay siyaasada ku kala fogaadeen madaxweyne siilanyo oo markaas hogaaminayay xisbigii kulmiye wuxuu ka horyimid shirkii garadag ka dhacay ee siilanyo loogu soo cumaamaday isaga oo markaas taagersanaa xisbigii UDUB ee dorashada ku hadhay waxa uu shirka dhex fadhiistay isaga oo ay aad u kala fikir duwan yihiis siilanyo wax yar ka dib waa laga saaray shirkii waxaanu dib ugu soo noqday hargeysa markaasna shaqo aan tiisii ahayn oo siyaasadeed ayuu dhex dabaalanayay!,
 
markii xisbigii kulmiye ku guulaystay doorashadii dalka ee uu siilanyo la wareegay xukunkii waxa uu bilaabay inuu canbaareeyo xukuumada siilanyo iyo golehiisa wasiirada oo uu ku sheegay badankooda inay ka soo jeedaan ururo diimeedyo sida islaax iyo shabaab wax yar kadib waxa uu yimid dalka waana la xidhay iyada oo loo haystay aflagaado madaxeed,
 
kadib markii laga siidaayay jeelka waxa uu bilaabay inuu afhayeen u noqdo xukuumada siilanyo oo uu warbaahinta ka difaaco wuxuu marqudha bedelay mucaaradii adkayd ee uu madaxweyne siilanyo la daba taagna,
 
hada isaga oo siyaasadii dalka sixun u fasiraya ayuu war baahinta soo fadhiistay waxa uu labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo UCID ku sheegay laba xisbi oo habar magaadle ah raga hogaanka xisbiyada hayaana ay garxajis yihiin siyaasadii Somaliland waxa uu ka dhigay sheekadii xamar ee 4.5 wax lagu qaybsan jiray!
 
 dalka Somaliland ee balaadhan inay cidkale degantahay oo talada dalka wax ku leedahay wuu ka saaray waxa uu ku soo ururiyay habar magaadle iyo habar xabuushe waxa meesha ka muuqata siyaasada buur-madow lagu soo xero geliyay inay tahay taas uu hada aamin san yahay oo la yidhi waar meesha habar magaadle iyo habar xabuusho ayaynu u loolamaynaaye soo raac doonta habar xabuushu yaanay kaa dhaqaaqine! waa hab dhaqanka siyaasada xukuumada siilanyo ka muuqata ee ay siyaasadii dalka iyo hanaankii xisbiyada ay u bedeshay habkii qabiilka wax loogu qaybsan jiray xitaa xisbigii kulmiye ee dadka kala jaadka ah ee reer Somaliland codka ka helay ayay hada khilaaf kii ka dhashay qabashada shirka xisbiga u rogtay nidaamkii qabiilka oo marba la arkayaa gudoomiye saleebaan gaal oo hab beelaysan ku xalinaya khilaafka soo kala dhex galay madaxda xisbiga!,
 
Waxaan leeyahay buur-madow fiqi tolkii kama jano tago! 
 
 
Aadan Axmed Nuur