Burco: Naadiga AKhristayaasha ee HALKARAAN READERS CLUB ayaa xalay hoolka jamacadda Gollis Burco ku soo bandhigay Buug cusub oo la yidha HAYAANKA NOLOSHA.

Burco: Naadiga AKhristayaasha ee HALKARAAN READERS CLUB ayaa xalay hoolka jamacadda Gollis Burco ku soo bandhigay Buug cusub oo la yidha HAYAANKA NOLOSHA.


DSC02018

Buuggan oo uu qorey Qoraaga Da’da yar ee jamal abdurahman bulale ayaa xalay lagu soo bandhigay madal ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka mid ah xildhibanada golaha degaanka burco iyo berbera, masuliyiin ka socotay shirkadda Dahabshiil, Shirkadda Daallo Airline, ururada AKMO, ATVO iyo SYNA, Ardayda Jamacadaha Gollis, Addis iyo Burco, iyo Masuliyiinta Naadiga HALKARAAN.
DSC02008

Ugu horeyn waxa munasibadda ka hadlay Maxed Ismacil Cali iyo ibrahin cabdi xirsi oo ku hadlayey Afka Naadiga Halkaraan, waxanay tilmaameen ahmiyadda uu akhriska iyo qoraalku u leeyahay bulshada iyo weliba sida Naadigani u dhiirigeliyo Dhalinyarada awooda u leh inay wax akhriyaan, waxay xuseen in 54 Buug uu Naadigu ku soo bandhigay Burco muddadii uu jirey, isla markaasna intooda badani ahaayeen kuwa ay qoreen xubno ka tirsan Naadiga iyo Muwadiniin kale oo reer Somaliland ah intaba.

DSC02019

Xildhiban Jamac oo ka mid ah golaha deganka berbera oo isna marti ku ahaa gobolka ayaa aad u soo dhoweyey Buuga qiimaha badan ee uu qoray qoragaan dhalinyarada ahi, sido kale wuxu tilmamay in firfircoonida dhalinyarada gobolkan ka muuqata ay u soo gudbiyaan dhalinyarada gobolka saaxil, isago xusay in buug intaas leeg ama ku dhow inaan lagu soo bandhigin gobolka saaxil, wuxu sido kale iftiimiyey inay farxad weyn u tahay inu caawa la kulmo bandhigan qiimaha badan.

Xildhiban ibrahin jamac basaale iyo xildhiban cabdi laki xasan nur oo iyana ka mid ah golaha deganka burco ayaa amaan balladhan u soo jeediyey qoraaga buuggan qorey, waxayna xuseen in Qoraa jamal abdirahman bullaale ka mid ah ardayda dadaalka badan ee gobolka, haatanna uu noqday mid wax weyn ku soo kordhiyey bulshada oo buug nolosha qofka ku saabsan u qorey si dhalinyarada uu ugu noqdo fure iyo meel ay guushooda ka arki karaan, iyago dhalinyarada la midka ah u soo jeediyey inay tusaale ka dhigtaan qoraa jamal.

Masuliyiin ka socday shirkadda Dahabshiil, Shirkadda Daallo Airline, ururada AKMO, ATVO iyo SYNA, Xubno ka mid ah Ardayda Jamacadaha Gollis, Addis iyo Burco ayaa dhammaantood bogaadiyey qoraa jamal abdirahman bulale,waxay sidoo kale tilmameen ahmiyada uu buuggani leeyahay iyo sida uu muhiimka ugu yahay dhalinyrada, daaqadna uga tusayo inay guuleysan karaan mar walba.

Qoraa jamal abdurahman bulaale ayaa isna gunanadkii munasibadda kelmado kooban halkas ka jeediyey waxanu ka warramay marxaladihii uu buugani la soo maray, dadkii ka caawiyey iyo xogta ku duugan, waxan halkaas su’alo lagu weydiiyey qoraaga, isago mid kasta si wafi ah uga jawaabay, waxana gebegabadii abaal marino iyo shahaado sharafyo lagu boobay qoraga, iyadoo qoraagu qayb ka mid ah buugtiisa uu guddoonsiyey xubno su’aalo ka jawaabay oo ka mid aha martishraftii munsibadda.

Salaanmedia/Burco