Cali waran cadde: Ma Gudbe siyaasadeed

Cali waran cadde: Ma Gudbe siyaasadeed

 warancade

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marka ugu horeysa waxan salamayaa dhamaan warbaahinta somaliland waxan kale oo salan diiran u gudbinayaa warbaahinta madaxa bannaan.

 

Waxa wax lala yaabo  noqotey oo bulshada reer Somaliland indhohooda iyo dhegehoodaba ku cusub habdhaqanka uu la soo baxay wasiirka wasaaradda arimaha gudaha cali waran cadde oo bilaabay inuu dhaqan ka dhigto xagxagashada hayadaha dawliga ah ee dastuuriga ah, waxa ugu darayd shalay markii uu ku tiraabay oo ku hanjabey inuu xidhxidhi doono

 

Malaha cali waxa iskaga khaldan oo aanu kala aqoon sharciga iyo sharci darada, waxan leenahay caliyow haddi ay kaa yeedhsiinayso waxan aqoondarro sharci dee iskuulada sharciga tag, haddi sidii aad caaadada iyo dhaqanka u lahayd aad isleedahay yaan lagu eryine guulwadayna waxan kuu sheegeynaa inaanay kuu socondoonin,

Sida aynu wada ogsoonahay cali waran cadde waxad siyaasadda ku jirtey intii Somaliland jirtey iyo intii ka horeysey oo aad sirdoon u ahaan jirtey dawladdii axmaqa ahayd ee dadka reer Somaliland dacdareysey, haddana kaama muuqato ina wax khibrad siyaasadeed ah, marka laga reebo been abuur iyo dhagar aad hadba cid been ka sheegtoo tidhaahdo Somalia ayaa soo abaabushay

 

Waxan kusoo gabagabaynayaa in shirka qaran yahay arin DASTUURI ah uuna socon doono adiga mooyee cid ka hadashaana ma jirtee afka xidho ishana dhawr

 

Maxamuud shidane

Mshidane10@hotmail.com

Hargeisa