Canbaarayn aad u xoogan laxidhiidha diidmadii murasharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Ali Hussein iyo madaxda kale loo diidey inay galaan madaarka

Waraysi.Gudoomiyaha Xisbiga UCID UK Maxamed Jaamac (Koodbuur)

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                               

  REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           UCID                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party

Ku:  Dhamaan saxaafada madaxa banaan

Canbaaran aad u xoogan oo ku saabsan diidmadii murasharaxa  madaxweynaha Xisbiga UCID  Jamaal Ali Hussein iyo madaxda kale loo diidey inay galaan madaarka Hargeysa si ay u soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID:  Faysal Ali Hussein.

Sidoo kale xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku waxaa uu war-saxaafadeedkan COD DHEER shacbiweynaha Reer Somaliland ugu sheegayaa in Xisbiga UCID ka soo hooyey shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacey dalka Turkiga ee ay isugu yimaadeen International Socialist party’s ama xisbiyada hanti wadaaga caalamka. hadaba waxaa cad in ay xukuumadu ka naxdey guushaa xisbiga UCID uu u soo hooyey dalka iyo xisbigaba waayo sida caadadu u ahayd cid kale libin uma ogola leebna ma ganto. Waxaa taas cadeyn u ah cabudhuntii ay kula kacdey warbaahinta si aanay ugu soo gudbin shacab iyo arintii kale foosha xumeyd ee ay kula kacdey Musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamaal Ali Hussein, markii isaga iyo wafti uu hogaaminayey ay u anbabaxeen si ay u soo dhaweeyaan gudoomiye Faysal Ali waraabe oo ka soo deyaayey madaarka Hargeysa, kana soo laabtey shirkaas, ay xukuumadu amar ku bixisay inaanay galin madaarka waftidaasi.

Markaa waxaan xukuumada fareynaa inay ka waantowdo falalka noocan ah raali gelina ka bixiso falkaa lagula kacey madaxda xisbiyada.

Inkasta oo lamoodo inay tahay fadeexad kunaax hadana waxaan xasuusinaynaa inay u dhaqmaan masuul oo wasiiradeedu ka koraan dhaqanka qayrulmasuulka ah ee ay caadeysteen.

Allaa Mahadleh

Mohamed Jama Koodbuur (Shiine)

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee UK

Â