Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Jeeloow ee duleedka Baladweyne

alshabaab

 

Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ay barqanimadii maanta Deegaanka Jeeloow kula dagaalamayn Ururka Al Shabaab.

Deegaanka Jeeloow waxay dhinaca Galbeed kaga toosan Magaalada Baladweyne, waxayna kamid tahay goobaha ay Ururka Al Shabaab ka jooggaan, daafaha Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay halkaasi ku dileen ku dhawaad sideed askari oo Ururka Al Shabaab ka tirsan.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa waxay isaga yaaceen Deegaankaasi, iyadoo dadka Deegaanka ay soo dhaweeyeen Ciidamada eryanaaya dagaalama-yaasha Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa ku goodiyay in ay xoojin doonaan la dagaalanka Ururka Al Shabaab, si looga wada sifeeyo Gobolka oo idil.

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee Gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad, ayaa dhinaciisa sheegay in Shabaabku ay cadow ku yihiin dhamaan Ummada Somaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay in la dabar gooyo.

Dadweynaha reer Baladweyne, ayaa ka carooday 2-dii weerar ee ugu dambeeyay, ee ay Al Shabaab ka geysatay Magaalada Baladweyne, waxaana ku dhintay ilaa 58 ruux oo rayid u badan. Sida uu sheegay Nabadoon Maxamed Sheekh Xasan, oo kamid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanka.

Salaanmedia/Mogdisho