Ciidamada isgarabsanaaya oo Jabuuti, Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo u dhaqaaqay Fariisinka ugu weyn ee Al-Shabaab ee Degmada Buulo burde.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ay saakay u dhaqaaqeen degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Deg deg Daawo Muuqaal: Dagaal Jilbaha Laisku Aastay Oo Ka Dhex Qarxay Shabaab Iyo Ciidamada Jubbaland oo ay lasocdaan Afrikan Union.

Degmada Buulo Burde ayaa waxaa ka taliya Xarakada Al-shabaab waana fadhiisinka ugu weyn ee Gobolkaasi ay ku leeyihiin Shabaabka, iadoo saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegeen in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolkaasi ku leeyihiin .

Ciidamada Lugta oo si aad ah u hubaysan ayaa xalay ku dhaqaaqay laba wado oo tagta Magaalada Buulo Bude , waxaana sidoo kale saakay iyana ka ambabaxay magaalada Baladweyne Gawaadhida dagaalka ay Ciidamadu adeegsadaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa la soo sheegayaa inay ku dhow yihiin deegaanka Garasiyaani, halka ciidamada Jabuuti iyo Soomaaliya oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay ku dhow yihiin deegaan lagu magacaabo Luuq jeeloow.

Dhinaca kale Howlgalkaan ayaa la soo sheegayaa inuu yahay kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay ciidamadaasi si buuxda uga qada qeybqaataan , waxaana la sheegayaa in ujeedka howlgalku yahay sidii Shabaabka looga saari lahaa Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Salaanmedia/Mogdisho