CUNISTA QAADKA IYO DHIBAATADA UUKU KEENI KARO NOLOSHAADA

CUNISTA QAADKA IYO DHIBAATADA UUKU KEENI KARO NOLOSHAADA
Wenesday, Feb 2013

images
Sida la wada ogsoon yahay qaadku wuxuu leeyahay dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan oo aan lagu soo koobin
qoraalkaani gaaban, waddamada sida ba’an qaadka looga
cuno waxay kala yihiin Soomaliya,Ethopia,Kenya,Yeman , Djabouti iyo kuwa kale . Wadamadaasi aanu kor ku soo
xusnay waa waddamada sida xad dhaafka ah u isticmaala Qaadka, dadyowga waddamadaasi ku nool isla markaasi na
burburiyey dhaqaalihii dalalkaasi .
Haddaba dadka qaarkiisa waxay aaminsan yihiin in qaadku inuu yahay xaraan, qaarka kale na waxay aaminsan yihiin
inuu yahay Xalaal oo la iska cuni karo oo aanay wax dhibaato ah lahayn oo waqtiga la isku dhaafiyo iyaga oo leh,
“ waa quutal Awliyaa” , taasoo ah buhtaan iyo been abuur. Dadka qaarkiis na cunida qaadku waxay u
arkaan inuu yahay wax iska caadi ah oo aan waxba u dhimeynin, laakiinse waxay ilowsan yihiin in qaadku u yahay kan
burburiya caafimaadka qofka qaadka cun , maxaa yeelay qaadku waa nooc ka mid ah muqadaraadka la yaqaan ,
waxaana qaadku laga helaa madada la yiraahdo cardinol oo badanaa dhaawac gaarsiisa hab dhiska dareen wadaha
dhex { Central Nerve System}. Cilmi baaris la sameeyey in isticmaalka qaadku uu leeyahay saameyn xagga
caafimaadka , bulshadda iyo dhaqaalaha:
Caafimaadku: Qaadku waa noocyadda manadooriyaasha ka mid ah, oo dhibaatooyin u geysata qofka cuna qaadka,
wuxuuna dhibaatooyin u geystaa xagga maskaxdda iyo xagga jirka .
Xagga maskaxda
– Hurdo la’aan
– Madax xanuun
– Wal wal (stress)
– Hadal badannaan
– Isku buuqid (depression )
– Garaacida wadnaha oo kordha
– Heer kululka Dhiiga oo kaca
– Dhiig furan oo madax ah
– Waali
Xagga jirka
– Laab jeex
– Saxaradda
– Hunqaac (mantag)
– Calool xanuun
Togdheer News Network
http://www.togdheernews.com/ Powered by Joomla! Generated: 27 February, 2013, 23:09 – Dhabar xanuun
– Miisanka oo is dhima
– Raashka oo ka xirma
– Kaadi dhiig
– Baawasiir
– Saxarada oo adkaata
– Cagaarshow
– Caanaha naaska oo yaraada hooyoyinka cuna qaadka
Isku soo wada duub isticmaalka qaadka oo waqti badan lagu bixiyo wuxuu kaloo keenaa dhibaatooyin aad iyo aad u
adag iyo niyad jab oo ugu dambeyntiina dhici karto inuu u dhiiga maskaxda uu ku furmo ka dibna u geeriyoodo .
Diinta islaamku muxuu ka qabaa cunista qaadka, runtii culumo waa weyn oo bulshadda soomaalliyeed magac ku leh
sida Sh. Cumar Faaruuq, Sh. Cabdulqadir Nuur, Sh. Cabdi Nuur iyo Allaha ha u naxriisteen Sh. Maxamed Macalin
Xassan , dhamaatood waxay ka wada hadleyn dhibaatooyinka qaadku u leeyahay isla markaasina waxay caddeeyeen in
qaadku u yahay mandooriye waan xaraan cad. Saddex nooc ayay u kala baxaan waxa maskaxada beni aadamku
beddela waxay na kala yihiin :
a). Muqadar sida xashiishada iyo daroogadda kale
b). Musakar sida qamriga la cabo
c). Muqayar sida qaadka iyo wixii la midka ah
Intaasi oo idil waa noocyadda maskada qofka wax u dhimi karta oo caqligiisa rogi karta , si fudud na u baabi’iya
caafimaadka qofka isticmaala waxyaalaha aanu kor ku soo xusnay Arrimaha bulshadda: isticmaalka qaadku wuxuu
dhabar jab u yahay bulshadda , oo saameyn weyn ku yeelan karaa arrimaha qoyska , wax barashadda iyo wax soo
saarka oo dhamaan ba laf dhabar u ah horumarinta bulshadda . Runtii qaadku waa dumiyaha qoyska , inta badan
arrimaha furinka waxaa u sal ah cunista qaadka maxaa yeelay dhaqaalihii qoyska calfan lahaa wuxuu u weeciyey meel
aan u munaasab ahayn sidaasi darteed waxaa markii ba imaan kara iska hor imaad oo ugu dambeyntiina keeni kara in
qoyskii dhisnaa uu burburo .
Dhowaan waxaa South Hall lagu qabtay shir looga doodaadyey dhibaatadda qaadka uu u leeyahay qoysaska
soomaaliyeed ee ku nool waddanka ni Ingriiska , shirkaasoo si weyn loo soo agaasimey waxaa ka soo qayb galay
xildhibaato ka tirsan barlamaanka UK iyo aqoon yahaano soomaliyeed waxaa na si weyn looga dooday ama loo
falanqeeyey habkii looga hortagi lahaa isla markaasi na loo gu joojin lahaa. Shirkaani ma ah kii ugu horeyey balse waxaa
ka horeyey dhowr shirar kala duwan ee lagu qabtay qaybtay UK iyo Holland .
Dhaqaalaha : qaadku wuxuu burburiyaa guud ahaan dhaqaalaha dalka uu leeyahay gaar ahaan kan qoyska maxaa
yeelay lacagta adag ee ku baxda keenista qaadku waxaa looga baahan yahay in lagu hormariyo mashaaricda dalka ,
sida : waxbarashadda , caafimaadka , waxa soo saarka iyo arrimaha bulshadda , laakiinse nasiib daro dhaqaalihii dalka
waxaa loo wareejiey meel aan ku habooneyn , tan qoyskana waxaa laga yaabaa caruurtiisa oo baahan inuu lacagtiisa
siisto qaad taasoo ugu dambeyntiina keenta burbur iyo kala tag.
– Wixii xun qaadow adiga ayaa iska leh
Togdheer News Network
http://www.togdheernews.com/ Powered by Joomla! Generated: 27 February, 2013, 23:09 – Hurdo la’aan iyo walbahaar ba qaadow adiga ayaa iska leh
– Guri been oo la dhiso qaadow adiga ayaa iska leh
– Xalaashaadii in ay kuugu hungowdo qaadow adiga ayaa iska leh
– Kharaj aan la logeyn meel uu u socodo qaadow adiga ayaa iska leh
– Baryo badan iyo shaxaad joogta ah na qaadow adiga ayaa iska leh
– Qurun iyo qasaaro joogta ahna qaadow adiga ayaa iska leh
Dadka iyaga oo og in qaadku dhibaatooyinkaasi oo idil uu leeyahay haddana iska ma daayaan cunida qaadku, taasi
maxaa u sabab ah, ma doqonnimaa mase …..??
Waxaa igu yaab badneyd markii aan wareystay nin qaad cuni jiray ka dibna joogiyey cunida qaadku, wuxuu ii sheegay
sheeko qiso aan ku tilmaami karo in ay tahay waali .
{Habeen – habeenada ka mid ah xili qabowbe ah ayaan waxaa u fadhiistay in aan qayilo aniga oo aan is ogeyn
waxaan damcay in aan suuliga aado waxaan gacanta ku qabsaday jalmada shaahiga oo kar kareysa , waxaan indhaha
kala qaaday markii aan jirkeyga ku shubay biyaha kulul } tani maxaad ku tilmaami kartaa …….???
Waxaan tusaale kale nagu filan inaan ku cibrad qaadano dhibaatooyinka qaadku uu leeyahay sheekaddaani hoos ku
qoran : { Nin qaad cune ah ayaa wuxuu u fadhiistay qaad duhurnimaddii sacaduan ahayd 12.00 sac , daqiiqaddo ka dib
wuxuu maqlay aadaankii duhurnimo , hase yeeshee saladii duhurnimo uma kicin wuxuu dayacay salaadii Eebbe hadda
na muddo 4 sacadood ka dib wuxuu maqlay aadaankii casarka ahaa markaasi ayuu yiri , “ waa yaabee ninka
adimayamiyuusan ba dhameenin aadaankiisa waa ba ku dheeraaday waa maxay arrinkani??”
Nin miir qaba ayaa ninkii u jawaabay oo lagu yiri, “aadaankani oo hadda dhagahaagi ku soo dhacaayo waa
aadaankii casarnimo , kii hore na wuxuu ahaa aadaankii duhurnimo” kii qaadkau fadhiyey markaasi ayuu yiri,
“ ma saas baa waxaan u maleynaayey halkii aadaan ee hore oo dheeraaday”.
Sidaasi darteed waxaa daliil cad u tahay in qofka qaadka cuna uusan kala ogeyn waqtiga maxaa yeelay maskaxdiisa
ayaa maqan oo ku mashquulsan qaad iyo qurun.
Waxan qoraalkeyga aan ku soo gabagabeynayaa geeraarkani , oo si koob u taabanaya dhibaatooyinka uu leeyahay
cunista qaadku:
– Qaadku waa qurun iyo qarribe caafimaadd.
– Qoys dhisan buu khilaaf dhex keenaa e
Togdheer News Network
http://www.togdheernews.com/ Powered by Joomla! Generated: 27 February, 2013, 23:09 – Quud ma ah ilma na kaaga qadimaayaan e
– Qalbiguu dila gaajana ma gooyo e
– Kharashkaad bixisaa waa khasaaro iyo qoommow idil e
– Ha quruxsan nolol khiyaali ah qarow iyo walaaceed e
– Ha ku qancin qaxar iyo dhibaatee ka qabo khatar u ah naftaada e
– Qabso quraanka Eebbahay qaadka na meel dhig, hana ka quusan qaadirkii ku abuuray
Si kastaba arrintu ha ahaatee qaadku waa balwad xun lehna dhibaato xaga caafimaadka iyo dhaqaalaha iyo bulshadda
ba . Qofka qaadka cuna marka uu damco inuu jiifto way ku adkaanaysaa inuu si sahal ah uu helo hurdo caafimaad
qabta.. maxaa yeelay dareemankiisa oodhan ayaa kacan, haddii uu hurdana waxaa laga yaabaa inuu jiifo sacado fara
badan waxaasi oo idil waxaa u sabab ah balwada uu ku jiro .
Waxaan kula dardaarmayaa dhallinayaradda soomaaliyeed ee ku howlan ama isticmaasha qaaku in ay ka foogdaan oo
iska xakameeyaan balwadaasi asaagoodda ka reebtay isla markaasina ay ka shaqeeyaan danatooda guud iyo
mustaqbalkoodda maadaama qaadku uu yahay midka burburiya noolosha qofka , qoyska iyo bulshadda inta ba.
Dadka way ka wada daregsan yihiin dhibaatooyinka qaadku leeyahay sidaasi darteed waxaanu ilaahy aynu ka
baryeynaa inuu dadkaasi tuso waddada toosan oo ay u kala fahmaan xalaasha iyo xaraanta .

 

Salaanmedia/London

Â