Daawo Muqaal..Luqadii ay ku hadli jireen Xisbiga talada haya ee Kulmiye xiligii uu mucaaradka ahaa.

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa luqadii ay kuwada hadli jireen xisbigii kulmiye ee madaxwayne siilaanyo gudoomiyaha ka ahaa iyo xisbigii  udub ee  uu hogaaminayay madaxwaynihii hore ee somaliland  daahir riyaale kaahin.

 
hadaba markaad dhagaysato  waraysigan madaxwayne Siilaanyo laga qaaday 2009 april  iyo Wasiir Sulub ,  maalintan waxay  ku beegnayd xuskii snm ee 2009.
 
 
Maantana xukuumadii  Siilaanyo, waxay bilowday lamashiri karo lama hadli karo nalama dhaliili karo . tv qaran iyo radio hargaysa maanta xukuumadu sidee bay u isticmaashaa?
 
Kalsoonidii warbaahinta tv qaranka somaliland lagu qabay way luntay, taasina niyad jab waxay kutahay  muwaadiniinta somaliland  ee cashuurtoodii sidan loo isticmaalay..
 
 Dhanka kale  dooda maanta laqabanayo, ee lagag tashanayo siyaasada dalka  ma ceebaa?  maxaa inoo qabsoomay maceebaa?  xuriyatul qawlku me ceebaa? 
 
  Hadaba aniga waxay ilatahay  in xisbiga kulmiye iyo xukuumadu ubaahanyihiin in labaro  sida loogu qanqo doodaha iyo fikirka kala duwan,  xataa maanta dawlad nimadii way nacsiiyeen shacabkii somaliland, taasina waa dhib iyo  niyad jab  shacabka somaliland..
   adoon  cidna dhinaca saarayn fadlan  qofkastow isbarbar dhig, luqada  gudoomiyaha  xisbiga waddani, tii madaxwayne siilaanyo,  ee xiligii  uu macaaradka ahaa, ,    
 
 
Waa qalinkii C/risaaq Axmed JamacÂ