Daawo Sawirada Casho Sharaf badan oo xalay Madaxtooyada loo sameeyay Ergooyinkii ka soo qayb galay shirka Jubbooyinka.

Ra’iiisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay u sameeyey xaflad sagootin ah Ergooyinkii ka soo qayb galay shirka Jubbooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho afratii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo heshiis rasmi oo u gogol xaaraya dhamaystirka maamulka Juba dhinacyadu ay ku kala saxiixdeen xaflad sida weyn loo soo gaasimay oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, iyo Marti Sharaf kala duwan, waxaana heeso gubaabooyin ah meesha ka qaaday kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa uga mahadceliyey Ergooyinka shirka ka soo qayb galay sida ay u muujiyeen dulqaadka, ayna uga go’antahay in xal laga gaaro deegaanada Jubbooyinka oo colaaduhu ragaadiyeen.

“Soomaaliya waa dal hodan ah, waxaana la dagay dagaal sokeeye iyo colaado soo noq-noqday, mar hadii dadaal dheer loo soo galay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha Jubooyinka, taasi waxay tusaale u tahay bisaylka iyo sida ay idiinka go’antahay inaad nabad ku wada noolaataan, waaana wax lagu farxo mudanna in la soo dhaweeyo maanta in aad noqotaan kuwo laga tusaalo qaato marka laga hadlayo dib-u-heshiisinta Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid isagoona dhanka kale xusay in ay u balan qaadayaan maamulka Jubba in Xukuumadiisu dadaal dheeraad ah u gali doonto soo celinta adeegyadii Bulshada ee ku bur-buray dagaaladii ka dhacay gobolka.

Ra’iisul Wasaare saacid ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey Ergooyinka Jubbooyinka ee heshiiska kala saxiiday sida ay u muujiyeen isu tanaasulka mudadii yarayd ee shirku socday.

” Maalintii ugu horaysay oo shirku bilaamayey waxaa idinka muuqday kalsooni xumo idinku kala dhex jirtay, waxaadna u kala fadhideen koox-koox, maantana waxaa ilaahay mahadiis ah inaad is dhex fadhisaan, heshiis wada gaarteen, diyaarna u tihiin inaad shacabkiina u wada adeegtaan, hadii aad hirgalisaan isbadalkaan siyaasadeed oo hada bilowday, waxaa xaqiiqo ah in mudo yar gudaheed uu maamulka Jubba isu badali doono maamul goboleed Rasmi ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale aad ugu mahadceliye Madaxweynaha Jamhuuriyada dadaalkiisa aan kala joogsi lahayn ee uu ku xaqiijinayo in Soomaaliya ay ka dhacdo dib-u-heshiisiin taam ah.

Dhanka kale Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulka Jubba ayaa dhankiisa qiray in heshiiskaan uu dhabaha u xaari doono nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan dadka Jubooyinka iyo hirgalinta nidaamka federalka.

“Markii aan imaanaynay Muqdisho waxaa nagu jiray shaki faro badan, waxaana markaas noo muuqday sawir ka duwan kan hada muuqda, waxaana xamar kala noqonaynaa niyad sami, waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in heshiiskii shalay lagu kala saxiixday halkaan uu yahay dhamaystirka heshiiskii Adis-Ababa, nidaamka dadka Jubooyinkuna wax ku qaybsanayaana ma noqon doono habka Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5. Waxaa dadku Jubbooyinku wax ku qaybsanayaan hab deegaan iyadoo qof walba wax ku heli doono degmada iyo tuulooyinka ay ka degaan Jubooyinka, taasina waa xalka kaliya ay ku imaan karto kalsoonida shacabka wada daga goboladaas. Ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo dhanka kalana xusay in maamulkoodu uu uga fadhiyo dowladda Fedederaalka ah deeqihii ay dowaldu heshay intii lagu guda jiray khilaafka Jubbooyinka.

Ugu danbayntii Madaxweynah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Jubbooyinku ay wada aadi doonaan Kismaayo, Xamarna aysan ka socon doonin shirar looga hadlayo arrimaha jubbooyinka wixii maanta ka danbeeya.

“Waxaa soo xirmay shirarkii mudo ka socday Muqdisho oo looga hadli jiray arrimaha Jubbooyinka, waxaana dhamaan tiin wada aadi doontaan Kismaayo si loo dhamaystiro howlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo dhamaystirka maamulka Juba, horumar ay gaaraan dadka Jubbooyinka waxaa furo u ah in laysu muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo heshiisyada la gaaray, waxaana idinkula dardaarmi in farxada hada idinka muuqata aad kula noqotaan guryihiina kana shaqaysan soo celinta nabada iyo is dhexgalka bulashada si meesha looga saaro isfaham waagii ragaadiyey horumarka gobladaas” ayuu yiri Madaxweyaha Soomaaliya oo dhanka kala mahadnaq balaaran u soo jeediyey Ha’yadihii iyo dalalkii taageeray in laga miro dhaliyo dhamaystirka heshiiskii Addis_Ababa.

Salaanmedia/Mogdisho