Daawo Sawirada Goob Xaflad Aroos kasocotay oo mar qura isku badashay Meel dhiig ku daato dadna ku dhintaan

Dalka Yaman waxaa ka dhacday dhacdo argagax leh dad badana la ilmeeyeen kadib markii goob xaflad aroos kasocotay mar qura isku badashay goob uu dhiig badan ku daato dhoor qofna ku dhintaan.

Dhalinayarada kasoo qeyb gashay xaflada arooska ayaa xili ay ku mashquulsanaayeen Dheelida dancing gaar ahaan waxa ay ku ciyaarayeen Hees caan ah oo lagu ciyaaro ciyaaraha Dancig uu qaado South Korean pop star Psy.

Nin kamid ah dadka ciyaarta dancing ciyaarayay gacantana kusitay qori AK-47 ayaa mar qura waxaa ka dhumay koontaroolkii waxa uuna qorigiisa xili uu wareejinayay ka fakatay rasaas xoogan taa oo keentay in ay xafladu noqoto meel dad ku dhintaan.

Ugu yaraan Sadax qof oo kamid ahaa kasoo qeyb galayaasha Xaflada ayaa durba rasaastaasi fakatay ku dhintay , waxaana goobta mar qura isku badashay meel lagu kala cararo oo dhiig badan uu qul qulo.

Dadka arooska kasoo qeyb galay ayaa qaarkood rasaasta dhacday u heestay Rasaas arooska loogu dabaaldagayay balse markii dambe ogaaday in xaalku sidaa uu ka badalan yahay ayna dad badan oo asxaabtooda ah meesha ku dinteen faraxdii arooskana uu isku badalay murugo iyo tacsi.

Salaanmedia/
Muqdisho