Daawo Sawirada Marwo Foosiya Yusuf Haji Aadan oo Shir Muhiim ah uga qeyb galeysa Magaalada Brussels

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Brussels si ay uga qeybgalaan Shirka looga hadlayo horumarinta caalamka oo ay soo qabanqaabisay Midowga Yurub.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Madaxweynaha Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Xoghayaha Joogtada ee Arrimaha Dibedda Abdi Dirshe iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo soconaya muddo labo casho ayaa waxaa ka soo qeybgalayo Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamica, Lithuania, Cape Verde. Sidookale waxaa ka soo qeybgaleysa Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo madaxda Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalaya Wasiiro ka kala socda caalamka, gaar ahaan Wasiirada horumarinta ee Midowga Yurub.

Wasiir Fowzia ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doonta oo ay uga hadleyso sida Somalia ay ugu faraxsantahay hoggaanka EU ee arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ka codsandoonto caalamka in Soomaaliya ay manta mareyso marxaladdii horumarka oo loo baahanyahay in caalamka ay shaqo u abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed si dalka horumar dhab ah uu uga dhaco, isla markaana ay caalamka ka codsan doonto ballanqaadkoodii hore inay ka dhabeeyaan oo loo soo jeesto Soomaaliya.

Fowzia waxey fariin ka gaadhsiin doontaa farriin ay ka sido Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo ay u gudbin doontaa madaxda EU iyo mas’uuliyiinta kale oo ay si gaar gaar ah ula kulmi doonto

Salaanmedia/Mogdisho