Daawo Sawiro…Xafladii Dhismaha Laanta Waqooyi (North) London ee xisbiga Waddani

1470412_10202611216503614_1112802529_n

Waxa habeenkii Khamiista  (28/11/13) lagu qabtay xaflad aad loosoo abaabulay oo lagu dhisay xubnaha gudigga laanta North London ee Xisbiga waddani. Xubnahan oo intooda oo ka kooban 11 xubnood oo hogaamin doona Laanta Waddani North London ayaa waxa Gudoomiye loo doortay Xuseen Aadan Cadde oo ah wiil uu dhalay mujaahidkii qaaliga ahaa ee Aadan-cadde. Xafladan ayaa waxa ka muuqday xubno cusub oo dhalinyaro firfircoon, kuwaas oo ah dad xisbiyahano ah oo kasoo shaqeeyey ururadii kala duwanaa ee ku tartamay doorashadii golayaasha degaanada ee Somaliland. Waxa ka muuqday xubno firfircoon oo kasoo shaqeeyey Ururadii Xaqsoor, Ummadda iyo Xisbiga Uicd.

1002016_10202612001563240_566484007_n
Waxa dhinaca kale xaflada ka qaybgalay oo kusoo dhaweeyey xisbiga, xubno gudigga fulinta heer qaran iyo xubno metelayey heer yurub iyo UK. Sida Gudoomiyaha UK Axmed Cali Naahi iyo Gudoomiyaha Europe Cismaan Aw Aadan. Xafldaas ayaa ku dhammaatay jawi farxadeed iyo shucuur aad u sareysa.

Salaanmedia/London

1002016_10202612001563240_566484007_n 1379732_10151782284700966_987255091_n 1422536_10202612010563465_1905940348_n 1426607_10151782284775966_1506209932_n 1453529_10202611673315034_306116132_n 1463984_10151782284925966_2123474052_n 1470412_10202611216503614_1112802529_n 1471350_10202611244424312_114270869_n 1472899_10202611609753445_949818435_n