Daawo Sawiro:Xaflad balaadhan oo loo sameeyay mashruuca dhismaha wadada cad (Hargeisa – Salaxley) iyo $62,154.40. oo wadada Cad loogu deeqay

image

Waxaa maanta oo Sabti ah 23rd November 2013 ku qabsoomay galbeedka London xaflad balaadhan oo loo sameeyay mashruuca dhismaha wadada cad (Hargeisa – Salaxley) oo ay si wada jira u soo qaban qaabiyeen ururada Gacanqabad & Hablaha Gaaroodi. Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshoweynta Somaliland oo iskugu jirey ganacsato, waxgarad, culimaa’udiin iyo aqoon yahano intaba kuwaas oo  ka kala yimid magaalooyinka London,  Birmingham, Bristol iyo Milton Keynes.

unnamed (1)

Ugu horeynba waxaa xaflada aayadaha quraanka kariimka ah ku furey Sh. Muse Yuusuf Faarax sidoo kale waxaa hadalo taageero dhismaha wadooyinka Soomaaliland  gaar ahaan dhismaha wadada cad ka jeediyay ganacsade Max’ed Yuusuf Cali Gurey oo ka hadlay faa’iidada ay leedahay wax wada qabsiga iyo in dadku ay marka hore la yimaadaan kartidii iyo dadaalkii ay dalkoodu ku horumarin lahaayeen, waxaa isna madasha xafalada gabay taageero dhismaha wadada cad ah dadkuna aad ula dhaceen ka  tireyey abwaan Aadan Muse Haybe waxaana tixdii abwaanka ka mid ahayd:

IMG_2548

“ Wadadii Bulshadu saacidee wada samaynaysay     Masalaha midii lagu suntee seeska laga qaaday

Uubaale tii lagu simiyo sabada xaabaale                   Toon bay ku saameelantoy maanta socotaaye….”

IMG_2537 (800x533)

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay madax sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu ka mid yahay safiirka wareega  mudane Kaysar Cabdillaahi.  waxaa hadalo mahadnaq iyo dhiiri gelinba leh ka soo jeediyay gudoomiyaha ururka hablaha Gaaroodi marwo Maryan H Farah, Waxaa isna halkaa warbixin tafatiran oo ku saabsan waxqabadka  iyo higsiga fog ee Ururka dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gacanqabad ka soo jeediyay mudane Mustafa Xuseen Axmed (Good). Waxaan marna la ilaabi karin erayadii talada iyo tusaalahaba xanbaarsanaa ee uu madasha ka jeediyay odey Max’ed Jama Hujaale (Aabi) oo ka mida odayaasha aadka  looga qadariyo carigan UK

IMG_2553 (800x533)

Sidoo kale wuxuu ururka Gacanqabad gudoonsiiyay hablaha deegaanka Gaaroodi meel kasta oo ay joogaanba abaal marin (appreciation award) oo ay ku mutaysteen dadaalka ay mar walaba ugu jiraan horumarka Gobolka Gaaroodi oo uu ugu danbeeyay dhamaystirka dhismaha cusbataalka Salaxlay oo hada ka mida cusbataalada ugu tayada fiican cusbataalada Somaliland, sidoo kale waxay labada ururba soo bandhigeen (cheque) ay ku cadahay lacagtii ay bixiyeen taageerayaasha dhismaha wadada cad (Phase II) ee ku dhaqan carigan UK taas oo ahayd lacag kor u dhaaftay  $62,000.

Gebo gebadii xaflada waxay hawl wadeenada Ururka Gacanqabad soo saareen war murtiyeed kooban oo u dhignaa sidan:

unnamed

  • In Taageero buuxda lala garab is taago mashaariicda laf dhabarta u ah horumarka Somaliland sida dhisma wadooyinka oo ay ugu horeeyaan kuwa hada gacanta lagu hayo sida Wadada cad (Hargeisa – Salaxley) ,Wadada (oodweyne – Burco)  iyo Wadada Dawga cad. sidoo kale kuwa loo diyaar garoobayo dhismahooda siada  wadada Burco – Ceerigaabo.

 

  •   Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa dhamaan marti sharftii nagala soo qayb gashay xafaladan mashruuca dhismaha wadada cad (Phase II)  siiba bahda saxaafada  oo uu ugu horeeyo TV Qaranka Soomaaliland, Star TV, SalaanMedia iyo Togahere Media.

 

Salaanmedia/London

www.salaanmedia.com

IMG_2516 (800x533) IMG_2517 (800x533) IMG_2521 (800x533) IMG_2522 (800x533) IMG_2525 (800x533) IMG_2526 (800x533) IMG_2531 (800x533) IMG_2534 (800x533) IMG_2537 (800x533) IMG_2540 (800x533) IMG_2541 (800x533) IMG_2542 (800x533) IMG_2544 (800x533) IMG_2545 (800x533) IMG_2547 (800x533) IMG_2548 IMG_2551 (800x533) IMG_2553 (800x533) IMG_2554 (800x533) IMG_2555 (800x533) IMG_2559 (800x533) IMG_2561 (800x533) IMG_2564 (800x533) IMG_2567 (800x533) IMG_2569 (800x533) IMG_2570 (800x533) IMG_2574 (800x533) IMG_2578 (800x533) IMG_2579 (800x533) IMG_2581 (800x533) IMG_2585 (800x533) IMG_2587 (800x533) IMG_2589 (800x533) IMG_2590 (800x533) IMG_2591 (800x533) IMG_2592 (800x533) IMG_2593 (800x533) IMG_2594 (800x533) IMG_2595 (800x533) IMG_2596 (800x533) IMG_2598 (800x533)