DAAWO: SHIR AY ISUGU YIMAADEEN BEELAHA DIREED MAGAALADA NAIROBI OO LAGU CAMBAAREEYEY WEERARKII DEGMADA K50.

Shirkan ay isugu yimaadeen bulsho weynta Dirreed magaalada Nairobi waxa ay dowladda Xasan Sheikh ku eedeeyeen inay qeyb ka aheyd duulaankii lagu soo qaaday degmada Number 50 ee gobolka Shabeelada Hoose todobaadkii hore.

Salaadiin iyo aqoonyahano goobta ka hadlay waxa ay midnimo u muujiyeen dadka degmadaasi iyagoo Ilaahey ugu baryey shacabkii ku geeriyooday in Ilaahey janadiisa sare geeyo intii ku dhaawacantayna uu deg deg u bogsiiyo.
Waxa isa soo taraya eedeymo loo jeedinayo dowladda Banaadir oo qeyb weyn ku laheyd weerarkii gardarada ee lagu soo qaaday gobolka Shabeelada Hoose iyadoo weerarkaasi oo ciidamo beeleedyo shaati dowladdeed ku labisan ay gaadiidka dagaalka ee hubka culus ku xiran yihiin oo gaarayey in ka badan 50 ay iska caabin xoogani kala kulmeen ciidamada amniga degmada K50 .
Dagaalkaasi oo socday labo maalin oo xiriir ah waxa ugu dambeyntii ciidamada deegaanka u suuro gashay inay cagta mariyaan mooryaan dowladeedka soo duushay.

Salaanmedia/Mogdisho