Dallada Dhalinyarada Heer Qaran Ee Sonyo Oo 70-Dhalinyaro Ah Oo Ku Guulaystay Mashruuca Maal Gelinta Ganacsiga Gudoonsiiyey Dhaqaalihii Loogu Tala Galay.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran Ee Sonyo Oo 70-Dhalinyaro Ah Oo Ku Guulaystay Mashruuca Maal Gelinta Ganacsiga Gudoonsiiyey Dhaqaalihii Loogu Tala Galay.

 

Munaasibad balaadhan oo dhalinyaradan lagu gudoonsiinayey mashruuca maal gelinta ganacsiga ee ay ku guulaysteen oo lagu qabtay Hotel Ambassador……

Hargeysa(SM)- Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo Iyo Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Ayaa Maanta Si Wada Jira U Gudoonsiiyey Dhalinyaro Ku Guulaystay Mashruuca Maal Gelinta Ganacsiga.

Munaasibad balaadhan oo dhalinyaradan lagu gudoonsiinayey mashruuca maal gelinta ganacsiga ee ay ku guulaysteen oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka ka soo qayb galay gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, dhalinyarada ku guulaystay mashruucan oo kasoo kala jeeda guud ahaanba gobolada Somaliland iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani oo munaasibadan ka hadlay ayaa u hanbalyeeyey dhalinyarada ku guulaysatay maal gashigan ganacsigan, waxaanu sheegay inay siiyeen tababar la xidhiidha sida loo maamulo ganacsiga yar-yar waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxa dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo sharaf u ah inaanu maanta halkan ku qaabilno oo aanuu dabaal degno oo aanu ku abaal marino 70 dhalinyaro ah oo ka so

jeeda gobolada Somaliland kuwaas oo ku guulaystay maal gelin ganacsi oo ay mudo u soo tartamayeen, dhalinyarada Somaliland wax wayn ayey u tahay waxaanay iskugu jiraan dhalinyarada ku guulaystay maal gelintu 42 wiil iyo 28 hablood kuwaas oo dhamaantood soo galay tartan dheer oo cadaalad iyo sinaan ah oo karti iyo qorshe hufan ay ku soo bandhigeen oo la xidhiidha inay ku muujiyaan awooda ay u leeyihiin inay maamuli karaan ganacsi dadna shaqaalaysiin karaan”.

Gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “qiimaynta ay ku soo baxeen dhalinyaradanai waxa hormood ka ahayd wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland iyo hay’adda IOM, Iyo dalada Sonyo waanan uga mahad celinaynaa dedaalka ay sameeyeen mudadii ay socotay hawshani, tartankana waxa galay dhalinyarada Somaliland ee kala jooga gobolada dalka, wareegii hore waxa isku soo hadhay 120 dhalinyaro ah kuwaas oo aanu tababar siinay ku saabsan maamulka ganacsiga, maaraynta khilaafaadka, xisaabaadka tolmoon, hogaaminta ganacsiyada yar yar iyo waxyaabo la mid ah, markii ay intaas qaateena dib ayey u galeen qiimayn waxaana kasoo baxay 70 dhalinyaro ah”.

Gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland waxa uu sheeegay inay dhalinyaradaasi soo bandhigeen ganacsi noocyo kala duwan Leh kuwaas oo leh qorshayaal kala duwan.

Sidoo kale wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in maal gelinta dhalinyarada Somaliland ay muhiim u tahay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa waxaanu yidhi “ dhalinyarada waa laf dhabarka dhaqaalaha iyo horu marka dalka Somaliland sidaas darteed xukuumada maanta jirta waxa ka go,an sidii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa ee loo hawl gali lahaa, sidii loogala dagaalami lahaa tahriibta oo loogu samayn lahaa shaqo abuur, waxaanad ogtihiin in madaxweynuhu magacaabay guddi sideed wasiir ah loo sameeyey inay ka soo talo bixiyaan arimaha tahriibta iyo shaqo abuurka, ilaa hada daraasad oo ku qotonta fikir ka imanaya bulshada ayaanu wadnaa”.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxa uu dhalinyarada ugu baaqay inay ka faa,iidaystaan khayraadka kala duwan ee dalka waxaanu yidhhi “waxaan leeyahay dhalinyarada reer Somaliland dhulkeenu wuu dihin yahay, waxaynu haysanaa dhul qani ah aynu aamino waa inaad maal galisaan sidaas darteed waxaanu leenahay oo ay siyaasadu dawladu noqon doontaa in dalkan loo shaqeeyo, waxaana maanta maal gashigani tijaabo u yahay dhalinyarada Somaliland ee ganacsiga bilawday sida ay uga midha dhaliyaan, waxaanan u hanbalyeynayaa 70 dhalinyaro ah ee ku guulaysatay maal gashiga ganacsigan”.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal Oo Isaguna Munaasibadan Ka Hadlay Ayaa Soo Dhaweeyey Qorshahan Lagu Maal Galinayo Dhalinyarada Somaliland Isaga Oo U Soo Jeediyey Dhalinyarada Ku Guulaysatay Mashruucan Inay Ka Midha Dhaliyaan Maal Galinta Lagu Samaynayo.

Ugu danbayntiina wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo munaasibadan soo gunaanaday ayaa dardaaran kala duwan u soo jeediyey dhalinyarada ku guulaystay mashruucan maal gelinta ah Waxaanu Yidhi “ somaliland waxay tidhaahdaa ganacsiga waxa laga helaa wax aanay hooyada iyo abahaa ku siin haddii aad ganacsigan bilawdeen oo u soo marteen inaad u tartantaan oo faro qabsi laydin siiyey ku dedaali Doontaan oo isku dayaysaan inaad ka midha dhalisaan idinka oo han iyo himilo fiican ku qaba inaad ganacsatada waaweyn ka mid noqotaan, ogaadana in dadka tujaarta ah ee hada jooga inay ka soo bilaabeen meel aad u hoosaysa qaarbaana xamaal ka bilaabay” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland

.Salaanmedia/Hargaysa