DEG DEG: Daawo Sawirada Dab Oo Xoogan Oo Gaystay Khasaare Hantiyeed Oo Ka Kacay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho

Thursday, November 28th, 2013

DEG DEG: Daawo Sawirada Dab Oo Xoogan Oo Gaystay Khasaare Hantiyeed Oo Ka Kacay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho

Nov 28, 2013 Muqdisho(SM) – Dab xoogan  ayaa waxa uu maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la garaneyn waxa sababay dabkaasi.

Dabkaan, ayaa qabsaday kaalintaan shidaal oo ku dhex taala Garaash dacalka ku haaya Isgoyska KM4, waxayna kamid tahay kaalmaha shidaalka kuwooda ugu waaweyn ee Caasimada ku yaala.

Gaadiidka dab damiska oo isaga daba laalaabanaaya kaalinta gubaneysa, ayaa waxay ku dadaalayaan sidii ay u baqtiin lahaayeen dabka xoogan ee ka baxaaya.

Qiiq laga wada arkaayo inta badan Magaalada Muqdisho, ayuu sababay dabka ka dhashay kaalintaasi shidaaleed.

Ciidanka Dowladda oo gaaray halka ay ku taalo kaalinta shidaalka ee gubaneyso, ayaa waxay dadka kahor joogsanayaan in ay halkaasi u soo dhawaadaan.

 dabb_1dabb_1dabb_1DABKA6DABKA6DABKA6DABKA6DABKA6DABKA6

 

Salaanmedia/ Muqdisho Office