DEG DEG: Dooda mooshinka ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo dib loo dhigay 1-da bisha December

news

Guddoonka Baarlamaanka F ee Soomaaliya, ayaa maanta dib u dhigay dooda mooshinka laga keenay Xukuumada Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Xildhibaano gaadheysa 165 Xildhibaano, ayaa waxay maanta mooshin ka soo gudbisay Xukuumada, iyadoo kooromka Xildhibaanada soo xaadirtay ay yihiin 248 Xildhibaano.

Sida uu Sharcigu yahay kolka Xildhibaanada loo qaybiyo mooshinka laga keeno Xukuumada, ayaa waxay ahayd in laga doodo mooshinkaasi.

Laakiin buuq hareereeyay fadhigii Baarlamaanka, ayaa waxay keentay in dib loo dhigo ilaa 1-da bisha December oo Axada berito ah ku beegan.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in Axada berito ah laga doodi doono mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Xildhibaanada mooshinka ka soo gudbisay Xukuumada, ayaan qaarkood soo xaadirin fadhigii Baarlamaanka, taasina waxay dib u dhac ku keentay ka doodistii maanta ee mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada.

Xildhibaanada qaarkood, ayaa waxay ku sugan yihiin dibadda, halka qaarka kalana ay jooggaan Magaalada Muqdisho, balse aynaan soo kaamilyeelin kooromkii Baarlamaanka

Salaanmedia/Mogdisho.