DEG DEG:Dagaal ka socda duleedka Bari ee Degmada Jowhar. Somalia

 

DEG DEGWar deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaweyd ka qarxay dagaal udhaxeeya labo beelood oo wada daga Duleedka Jowhar.

Dagaalkaan ayaa sida wararka ay sheegayaan wuxuu ka qarxay deegaan dhanka bari ka jira Magaalada Jowhar oo maalmihii aan soo dhaafnay ay ku dagaalameen labo beelood oo halkaasi wada daga.

Wariye ku sugan Degmada Jowhar ayaa soo sheegaya in hada ay rasaasta dhaceyso, wuxuuna sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayuu sheegay inay ku baxeen deegaanka dagaalka uu ka socdo inkastoo ay adag tahay gelitaanka goobtaasi, maadaama dagaal uu socdo roobna uu halkaasi ka da’ay.

Arintani ayaa kusoo beegmaysa, xilli maanta la filayo inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu saacadaha soo socda uu gaadho Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.

Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa xal ula’ dagaalka soo noq-noqday ee dhexmara beelaha wadaga duleedka Degmada Jowhar uu dhowr mar halkaasi ku dagaalamay.

Salaanmedia/Mogdisho