DHALINYARADA XAAFADA NEW HARGEISA OO CABASHO KA MUUJIYAY GAROON LA,AAN HAYSATA IYO BAAQ AY U DIRAYAAN WASAARADA CIYAARAHA IYO DHALINYARADA : W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

DHALINYARADA XAAFADA NEW HARGEISA OO CABASHO KA MUUJIYAY GAROON LA,AAN HAYSATA IYO BAAQ  AY U  DIRAYAAN WASAARADA CIYAARAHA IYO DHALINYARADA   :W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

image

Waxa ka  jira xaafada new hargeisa garoon la,aan baahsan taas oo dhalinyaro badan ku dhiiri galisay inay tahriibaan kuwaas oo waayay meel ay ku ciyaaraan iyo garoomadii ay ku madadaalaysan lahaayeen maalmaha ay fasaxa ay  ka yihiin waxbarashada  Sidaa daraadeed  Waxaan  leeyahay dhamaan dawlada uu hogaaminayo mudane A.M.M SIILAANYO in ay hoos u eegaan balan qaadyadii loo balan qaaday dhalin yarada ee xaga ciyaaraha oo aad moodo in ay ilaa imika aan waxba laga qaban ama aan wax garoona la hir galin maanta waxa igu kalifay  inaan maqaalkan qoro waxaan arkay dhalinyaro badan oo oo ka cabanaysa garoon la ,aan ka haysata xaafada new hargeisa hadaba anigu waxyaalihii aan arkay intii aanan soo gudbin qoraalkan waxay ahayd sidan :———–

Waxaan  ka shaqayn jiray shirkad ku taala new hargeisa waxaan  mar-mar soo raaci jiray basaska new hargeisa waxaanan baska soo wada raaci jirnay dhalinyaro fara badan kuwaas oo aan waydiin jiray xagay ka yimaadeen dabadeedna waxay ii sheegeen inay soo ciyaarayeen kubad ,ka dib waxaan ku idhi oo xagee ayaad ku soo ciyaartaan kubada ? waxaanay iigu jawaabeen ma haysano garoon aanu ku cayaarno kubada laakin waxaanu ku soo ciyaarnaa meel dayr ah oo ku taala XERO DHIIGTA AGTEEADAdabadeedna waxaan waydiiyay oo xagee ayaad gashaan? waxaanay iigu jawaabeen qaar waxay galaan BAARWARAABE QAARNA WAXAY GALAAN BUURTA NEW HARGEIS TAASINA waxa intaas  sii raaciyaan marka aanu soo ciyaarno kubada ee ay habeen  noqoto ma helno BUS (BAS)  na soo  qaada oo waa ay naga baqaan markay basasku arkaan anaga oo kooxo –kooxo ah.

Markaan intaa ay ii sheegeen runtii waan is badalay oo waan ka naxay dadkaa dhalinyarada ah ee  dhibku  haysato oo aan haysan meel ay ku cayaaraan iyo meel ay ku madadaalaystaan.

Intaa ka dib Waxaan  cidkasta oo jecel horumarka dalka,dhalinyarada iyo mustaqbalkooda  oo aan leeyahay waa in wax loo qabtaa dhalinyarada kala duwan waliba xooga la saara sidii ay u siin lahaayeen wixii loo awoodo laakin yaan meel cidla lagu ilaabin.

Maxaa yeelay dhalinyaradu waa mustaqbalka dalkasta waa asset ka ama hantida ay dawladi leedahay waa xooga iyo hubka loo adeegsado cadawkasta markaa sidii loo dhaqaaleeyo ayuun bay iyaguna wax u dhaqin waxna u hogaamin haddii la tuso jeceel iyaguna bari bay kuwa ka dambeeya tusin jeceel iyo wax qabad markaa waxaan hadalkayga ku soo koobayaa DHALINYARADA NEW HARGEISA IYO KUWA LA MIDKA AHBA  DHIBTA MAANTA HAYSATA  WAA GAROON LA,AAN.  waa in ay xalisaa Wasaarada dhalinyrada iyo dawlada hoose oo iskaashanaya taasina waxay hoos u dhigi  kartaa in tahriibka iyo isticmaalka balwada oo ay joojiyaan laakin haddii intaa la waayo waxa kor u kacaya tahriibkii iyo cunista qaadka iyo sigaarka oo sii kordhaya intaasina waa iga baraarujin waana iga baaq aan u dirayo xukuumada iyo wasaaradeeda ciyaaraha iyo dhalinyarada.

Dhalinyaradu waa xooga,hantida,iyo hubka dawladnimo.

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

 Thank you all

 Post number:  RP6