Dibadbax ballaadhan oo looga soo horjeedo Dowladda Xasan Sheekh oo ka dhacay Magaalada Garoowe

news

Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ka dhacay banaanbax ballaadhan oo looga soo horjeedo Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay oo dhigaye dadka kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha dhexe ee ku sugan Magaalada Garoowe, iyaga oo Dowladda Soomaaliya ku dhaliilaye dagaaladii ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Dadka isku soo baxay oo isugu jiray haween, caruur iyo Dhalinyaro ayaa ku dhawaaqaye erayo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu muujinayeen sida ay uga xun yihiin dagaalada ka dhacay Gobalkaasi.

Nabaddoon, Mukhtaar Abuukar Xuseen oo kamid ah Odayaasha Banaanbaxa kaqeybgalay ayaa goobta ka sheegay inay aad uga xun yihiin in sida uu yiri hubka Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu laayo shacabka masaakiinta ah ee degan qeybo kamid ah Gobalka Shabeelaha dhexe.

Wiuxuu sheegay Nabadoonka in Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ay dib ugu celinayso xilligii dagaalada 1991, isaga oo dhanka kalana ku dhaliilay Dowladda in Gobalkaasi ay doonayso deeganada dagaalada ay ka dhaceen in gacanta loo geliyo qabiilo kale oo deegaanka aan udhalan.

Dhalinyarada iyo haweenka goobta ku sugnaa ayaa dhankooda usheegay warbaahinta in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid hogaankeeda uu xun yahay, maadaama dagaalada Gobalka ka dhacay Dowladda ay hal dhinac uhiilisay dhinaca kalena ay ka hiilisay.

Dagaal Beeleedkii ka dhacay duleedka Degmada Jowhar ee tuulooyinka badan lagu gubay, Dowladda Soomaaliya kama aysan muujin dareen murugo leh, xilli gobalka uu ka taagan yahay dhibaato ku aadan fatahaada wabiga uu ka geystay halkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo diyaarad Helicopter ah ku tagay Degmada Jowhar, ayaa isaga oo ku guda jiro booqashada Degmadaasi goobaha saameynta ay ku yeelatay fatahaada, waxaa dhanka kale Gobalkaasi ka dhacaye dagaal xoogan oo beelaha halkaasi wadadaga ay ku dagaalamayeen.

Salaanmedia/Mogdisho

Â