Dood Qaran Waa LLgama Maarmaan By Agaasimahii Hore Ee Arimaha Debeda Iyo Wasaarada Cadaaladda Maxamuud Raage Ibrahim

Waddani

Agaasimihii hore ee Arimaha Debeda iyo Wasaaradacadaaladda

Maxamuud Raage Ibrahim

ACWW

Salaanta islaamka kadib waxaan hore uga hadlayama aan hoosta ka xariiqay in ay Dood Qaran tahaymid loo baahan yahay , waxaad marar badanarkaysaan Shacabkeena oo TV lala hoos cararayo oola weydiinayo dood qaran ma loo baahan yahay? Yaaqaban kara ? maxaa dhacaya hadii 2 xisbi eemucaaridku qabtaan dood qaran? Runtii qof walibawaxa uu u noqonayaa Maskaxdiisa iyo garaadkiisahalkaas oo ah meesha ruux kasta u ah Library, Waxaakaloo jira inyar oo dadka ka mid ah oo u noqotaSharciga Islaamka iyo diinteena qiimaha badan,waxaa kaloo jira koox yar oo eegta sharuucda aynudhiganay.

Sikastaba ha ahaatee si weyn baa loogu kala qeybsanyahay, aniga iyo xisbiga aan ka mid ahayhawlwadeenadiisu waxa aanu jecelnahay in aynudoodno ama aqoon isweydaarsi sameyno, waayodoodu waxa ay ka fiican tahay isku dhaca iyorabshadaha iyo curfiga noocuu doono ha noqdee,dooda waxaa lagu wada hadlayaa waa microphone ,qalabka u badan ee la adeegsanayaa waa qalin iyowaraaq, marka uu aqoon isweydaarsigu dhamaadowaxaa kasoo baxaya waxa loo yaqaan HadalMurtiyeed, waxa aan ka qeyb galay intaan dawladahada jirta u ahaa Agaasimaha cadaaladda ilaa 3 kulanoo International ah, oo lagaga doodayoDhibaatooyinka ay budhcad badeedu ku haysoAduunka , waxaa kasoo qeyb gali jiray illaa 50dawladood. Wanaag moyee dhib kama soo bixin,maalin walba waxaa hudheelada waaweyn eecaasimada hargeysa lagu qabtaa Dood cilmiyeedyoiyo seminars deero deero kuma hirdiso hadaba

Maxaa diidaya hadaynu ka doodno arimahan soosocda

1.

Maxaa dan ah oo inoogu jira wada hadalkaSomalia iyo Somaliland? Ilaa hada yaaguulaystay ?

2.

Maxaa inaga dhiman maxaynu qabsanay ilaahada  si aynu doorashada madaxweynaha iyotan Xildhibaanadu inoogu qabsoomaan 2015 ?

3.

Sidee uga badbaadnaa isku dhac iyo inmawaadiniinta reer Somaliland inagagadhintaan doorashooyinka soo socda, waayowaxaa weli qalbigeena ka guuxayadhibaatadii inaga soo gaadhay doorashadiideegaanka ?

4.

Maxaa laga yeelayaa musuqmaasuqa iyohanti boobka dalka ka jira?

5.

Sidee loo madax banaaneyn karaa Garsoorkaqaranka Somaliland ee ay mar walbadawladu faraha kula jirto?

6.

Sidee loo madax banaaneyn karaaHantidhawraha guud oo aad moodo in uushaqaalaha hoose uun qoorta jarayo, bal ufiirso weligaa ma maqashay wasiir baamaxkamada looga yeedhay amahantidhawraha ayaa la xisaabtamay . saw maodhan karno sharciga ciqaabta dalka waxaalagu fuliyaa masaakiinta iyo shaqaalahahoose, sida Somalidu tidhaahdo Miskiin baamisko la fuulo leh.

7.

Maxaa laga yeelayaa heshiisyadan caalamigaah ee dawladu geleyso , iyada oo iska daagolaha wakiilada ee aan golaha wasiiraduindho ka qaadin.

Arimahaas aan soo xusay oo dhan waxay caqligasaliimka siinayaan in dood qaran la qabankaro.Dawladu maanta waxa keliya ee ay kufaanaysaa ama ku caga juglaynaysaa waa ciidankaqaranka oo inaga dhexeeya, ogaada Ciidankaqaranka shalay markii uu Daahir Riyaaleadeegsaday ciidamada Policeka hadaynu ahaynKulmiye waa muraara dilaacdeen, maanta ma idinkiibaa caruurtii laynaya? Waa ayaan daro runtii amaSaxaafadii cabudhinaya, runtii waa taariikh madowkuna dhigmaysa buugaagta . Allow maxaa daal lakororsaday, Waxaa ayaan daro ah in rag dawlada ka mid ahi jecelyihiin in ay doodan qabyaalad iyo shirbeeleed ku micneeyaan waxaan xasuustay Deeleydiiu horeysay ee abwaan gaariye alle haw naxariisteelahaa

Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha

Ugu danbeyn waxaan idin xasuusinayaa markii aanshaqada ka baxayey waxaan madaxweyne Axmed sinasteex ah ku idhi Qaranka Somaliland waa kaahadhayaan, maanta waa bilawgii ama hordhiciiarinkii aan uga digayey waxayse ka xumaan hadii aydawladan maanta jirtaa ka jawaabi weydo dareenkashacabka oo ay ku meeraysato cabudhin iyo awoodciidan.

Gabagabo Dood qaran waa lagama maarmaandadkuna waa ku qancay sharaxaadii uu ka bixiyeyGudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna GudoomiyahaXisbiga Wadani Mudane Cabdirahman MaxamedCabdullahi

La soco qoraalka danbe

Qalinkii

Maxamuud Raage Ibrahim

Birmingham UK