Dowlada Angola oo ka hadashay Wararka Sheegaya in ay Dagaal kula jirto Diinta Islaamka ayna bur burisay Masaajidyo

image

Dowlada Angola ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisad weyn oo ka dhalatay warar soo baxay oo sheegaya in dowladaasi ay noqotay midii ugu horeysay ee Caalamka ee mamnuucda Diinta Islaamka, iyadoo la sheegay in la dumiyey qaar kamid ah Masaajidada wadankaasi ku yaal.

Maalinimadii shalay (Talaada) ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Waaxda Diimaha ee wasaarada dhaqanka ee dalkaasi Angolo Manuel Fernando, ayaa sheegay in dowlada Angola aysan wax dagaal ah kula jirin diinta Islaamka.

Mas’uulkan u hadlay Dowlada Angola ayaa sheegay inaysan jirin wax sharci ah oo laga soo saaray diinta Islaamka ama diimaha kale, isagoo sheegay in wararkan ay saxaafada si khaldan u buun buunisay.
Wuxuuna intaasi raaciyey inay jiraan dhowr masaajid oo la xiray arrintaasi oo la xariirta in dhismayaashaasi la dhisay iyadoo aan dowlada laga heysan fasaxa dhismaha guryaha, balse aysan la xariirin wax diin ah.

Dowlada Angola ayaa dumisay labo masaajid oo la sheegay in dhismahooda si sharci daro ah lagu dhisay. Dhismayaashaasi ayaa la sheegay inay lahaayeen jaaliyadadaha dadka Muslimka ah ee ka yimid wadamada Galbeedka iyo Waqooyiga Afrika oo wadankaasi shaqada u yimid.

Dalka Angola ayey sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen dadka Afrikaanka ah ee ka imaanaya wadamada Galbeedka iyo Waqooyiga Afrika oo u badan Muslimiin, kuwaasi oo ka shaqeeya shirkadaha Batroolka kasoo saara wadanka Angola.

Jaaliyaddahan Muslimiinta ah ee kusii xoogeysanaya wadanka Angola ayaa qaarkood dhistay masaajido si deg deg ah lagu dhisay si ay u helaan goobo ay ku cibaadeystaan, wallow ay xaqiijiyeen jaaliyadahaasi in masaajidada qaarkood la dhisay iyadoo aan dowlada laga heysan fasaxa dhismaha.

Masaajidada horey fasaxa u heysta ee ku yaal caasimada iyo gobalada kale ayaa si caadi ah u shaqeenaya oo aan la xirin sida uu sheegay Ahmed ould Taher oo kamid ah Muslimiinta ku nool Angola oo wareysi siiyey Aljazeera.

Sidoo kale Taliyaha Booliiska ee wadanka Angola ayaa sheegay in aysan heysan amaro lagu xirayo masaajidada balse qaar kamid ah Muslimiinta wadankaasi Angola ayaa sheegay in la wado qorshaha lagu burburinayo dhamaan masaajidada wadankaasi ku yaal.

Wararkan soo shaacbaxa in Angola ay mamnuucday diinta Islaamka ayaa si xowli ah ugu faafay warbaahinta dhamaadkii todobaadkii tagay.

Arrintan ayaa waxaa sii xoojiyey aamusnaanta dowlada Angola oo lasoo daahday jawaabta, iyadoo ay durbaba caalamka oo dhan laga cambaareeyey dowlada Angola.

Safiirada wadanka Angola ee ku kala sugan caalamka ayaa su’aalo adag laga weydiiyey go’aanka dowladooda, wallow ay qaar kamid ah Safiirada dalka Angola ay beeniyeen warkan, sida Safiirka Angola u fadhiya dalka Maraykanka oo ay saxaafada su’aalo arrintan wax ka weydiiyeen ayaa sheegay in arrintaasi uusan la socon.

Waxaa sidoo kale jiray xubno kamid ah Dowlada Angola oo xaq jir ah oo hadalo ka dhan ah diinta islaamka horey uga soo yeereen, arrintan iyo wararkii todobaadkii lasoo dhaafay ayaa noqday kuwo si weyn usoo jiitay warbaahinta caalamka iyo waliba Musliminta Adduunka ku dhaqan oo dowlada Angola cambaareyn iyagoo digniino u dirayey wadankaasi maalmihii lasoo dhaafay.

Wadanka Angola ayey ku badan yihiin dadka heysta diinta Kirishtaanka, balse diinta Islaamka ayaa ah diinta si weyn ugu sii fideysa wadankaasi, arrintan ayaa sidoo kale waxaa sii xoojiyey jaaliyadaha Muslimka ah ee ka yimid wadamada kale ee Afrika oo kusii badanaya wadankaasi, kuwaasi oo sii laban laabay masaajidada iyo goobaha kale ee lagu cibaadeysto.

Muslimiinta u dhashay wadanka Angola ayaa lagu qiyaasaa 3% shacabka wadankaasi oo gaaraya ku dhawaad 18 milyan oo qof.

Salaanmedia/Mogdisho