Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab ay kala wareegtay deegaanada Luuq Jeeloow, Shabeeleey, Ceelbaar iyo Buq qoosaar

newslogo2

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ururka Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan Gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa tilmaamay in la wareegitaanka deeganada ka tirsan Gobalka Hiiraan ay ka dambeysay, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee Amisom ay weeraro ku qaadeen deegaano Shabaab ay joogaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Luuq Jeeloow, Shabeeleey, Ceelbaar iyo Buq qoosaar oo intaba uu ku sheegay inay ahaayeen deegaano xudun u ah Ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi, wuxuu qeexay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay bilaabeen howlgalka Gobalka Hiiraan looga sifeynayo Ururka Al-Shabaab, isaga oo cadeeyay in dhamaan deeganadaasi ay hada ku sugan yihiin ciidanka Dowladda.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya waxa uu dhanka kale sheegay in Ururka Al-Shabaab dhexdooda ay ka jirto cabsi xoogan oo ku aadan kala shaki dhexdooda ah, maadaama sida uu yiri khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay.

Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya uu ugu hambalyeynayo guulaha ay ka gaareen dagaalada ka biloowday Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa dagaaladaasi dhankooda guulo ka sheegtay, kadib hadal uu siiyay warbaahinta.

Dagaal-yahanadooda, ayuu tilmaamay inaanay ka daba harin Ciidamadii Jabuuti, isla-markaana ay kula dagaalameen Deegaanka Baar, ayna kala wareegeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu xusay in gaadiidkii dagaalada ee Ciidamada Jabuuti la socdeen, ay u carareen dhinaca Magaalada Baladweyne, ayna halkaasi uga taggeen Ciidamadii dhulka, oo uu sheegay in ay ku daba jiraan Ciidankooda.

Salaanmedia/Mogdisho

Â