Fadeexada ay Kaysar iyo Cali Aden dafirayaan waa mid muuqata oo Aqoondaradooda muujisay masuuliyada ay hayaana waa khalad.

MAQAAL

Ugu horayn waxaan salaamayaa jaaliyada Somaliland ee degan cariga ingiriiska oo ah kuwo isku duuban dalkooda iyo dawladoodana jecel, waxaanse Uga tacsiyadaynayaa cida looga soo dhigay masuulka oo ah nin aan aqoon masuuliyadeed iyo mid hogaamineed midna lahayn xilka uu qaranka u hayona u yaqaana in jaaliyadaha la dhex cararo oo marba qaadhaanka ay ururinayaan inuu gacanta ku qabto uun ka fekeraya si uu badh uga reebo.

 
Waxaa nasiib daro ah Fadeexada uu muujiyay filimka uu soo bandhigay Salaanmedia oo ku tusaysa iyadoo Kaysar iyo Cali Aden kursi isku haystaan oo Cali Aden uu khalday protokolkii loogu talo galay habka fadhiga isagoo ku fadhiistay kursigii loogu talo galay Am.Kaysar, balse waxaa ka sii daraaday Kaysar oo sidii Ciyaalka kursigii ka jiiday Cali Aden hoostiisa ka dibna koodhkii Cali Aden dhulka ku tuuray.

 

Anagoo ah jaaliyada ingiriiska waxaanu awelba werwer weyn ka qabnay hantida nalaga ururinayo inay gacanta u gasho Wakiilka SLand ee UK Ali Aden Cawle oo aanu ka aamin baxnay markii uu dhacay lacagtii 18May2013 oo uu si cad u dhacay una samaystay Koox ay saaxiibo yihiin isagoo iminkana kooxdas tuugta ah qaarkood ku soo daray gudiga wadada Ceerigaabo taasina ay kalsoonidii ka lumisay jaaliyada reer UK oo ayna in badani bixin doonin tabarucadkii ay ugu talo galeen dhismaha wadada Ceerigaabo, waxaanu xukumada ka codsanaynaa inay Wakiilka SLand ee UK usoo magcowdo masuul lagu kalsoon yahay oo aqoonteedii leh shaqada uu qaranka u hayo hadii uu Cali Aden sii joogo xukumadu ha ogaato in jaaliyadu ka soo taagantahay wada shaqayn ay la yeeshaan safaarada.
 
Xasan Jibriil
London UKÂ