Falanqayn Buugga Maan Guursadeen W/Q: Nada Yuusuf Cumar

Allaha saatiraan ku mahad shaa  suura galinta iyo sida wacan ee uugacantayda ku soo galiyay buugga, kaas oo aan ka helay qoraalo haadsan,hufan,oo habaysan wax tar iyo wax kordhinna u leh dhammaan bulshada garaadkeeda iyo garashadeeduba fayawdahay.

Buugga maan guursadeen waa buug ka hadlaaya nuqulo xulan, xalan oo xalaal miirad iyo xareedsanaani ka muuqato. Waa buug la had laaya bulshada qaybaheeda ka la gadisan  qof walbana dhinac ayuu ka taabanayaa, Oo wuxuu dhaafay male da’yar iyo da’goysba.

Sidaa awgeed markaan akhris,eegmo, indho indhayn, ukuur galid iyo docodocayn badan ku sameeyay buugga waxa ila qumanaatay  wixii iiga soo baxay  oo ah badhaadhaha buugga, inaan bulshadayda bayaan ugu sheego. Is lamar ahaantaana wixii naqdin amma leexasho ruuxeed ah ee qoraaga xaggiisa ah aan la ogaano. Aniga oo aan marnaba hilmaamyn hagaagna ugu jeeda  in qoraha buuggu  uu bixiyaay dadaal dagganaani ku dheehantahay. Wallibana  uu daah furay aqoon maskaxeed  cusub.

Haddaba akhriste aynu ku soo wada dhawaano buugga,aniga oo si kooban haddana kala miiran idiinku soo gudbin doona nuqulada buuggu uu ka had laayo intooda badan.

Mahad naq,hordhac iyo hibayn ka dib wuxu qoruhu ku bilaabay buugga sheekada  baalka dahabkaa ku le buugga dhexdiisa,  taas oo uu qoruhu si farshaxannimo leh inoogu suureeyay qaab nololeedka iyo hab wada  dhaqanka lammaanayaasha soomalida in badan oo kamida.  Sheekadaas oo uu ugu magac daray buuga laf tiisana, waxa uu ciwan ka ay ku suntay yahay mana guursadeen.

 Waxa iyana xusid mudan nuqulka uu kaga sheekeeyay qoruhu qofka wanaagsan ee qurxooni inuu yahay ka caqliga fayoow ee fikiraaya  waa nuqulka magaciisu yahay  QURXI CAQLIGAAGA iyo waliba nuqulka  la dareenka ah ee nin iga yaabshay. Aan hore uga sii socdee  waxa uu qoruhu in badan ka had lay waliba hadal ka liya maahe uu gacantiisa furan ugu hiiliyay haweenka soomaaliyeed, isaga oo si garasho iyo garaad sammaana ugaga hadlay nuqulada ay ciwaanadoo du yihiin  UU IFURAY IYO HA IFURIN.oo labaduba si aan deelqaaf ahayn ee daacadnimo dan iyo dardaaran gacalnimo ay ku jirto uu ugu sheegay qoruhu inbadan oo ka mida ragga soomaaliyeed  inay ku gafaan xaasaskooda,duminta qoyskana qayb ka yihiin, isaga oo digniina  uga dhigaaya ragga si ay uga dhawraan dibin daabyada diirnaxaanta ah ee ay ku la kacaayaan  haweenkooda.

Qoraagu intaas kuma gaabsan wuxuu si xilkasnimo le uga hadlay xanuunka dareenka iyo damqashada badan ee aan dabiibna loo hayn waa xanuunka  caashaqa (jacaylka) wax uu qoraagu kaga sheekeeyay xanuunkaas oo ad kaga bogan nuqulada  ceeb ma’aha caashaqu,  xeebtii kal gacalka,  bukaan caashaq, qalbiga uun usoo celi, iyo nabsi guratay, oo aad intaba kaga bogandonto  cashaqa iyo dhibtiisa.

Midiba mid ka yaab badane waxa uu  qoruhu ka hadlay oo uu inoo tilmaamayaa isaga oo la qaybsanaaya walaalihiisa soomaliyeed  dareenka iyo damqashada inaga haysata maamul xumida,maan fayoobi li’da, maskax fadhiga iyo muruq gaabka ku dhacay bahwayntii somaaliyeed, Ee baryo baryo la hiigsan jiray taas oo uu qoruhu si wanaagsan ugaga hadlay nuqulka  uu kusuntay ciwankiisa  qof is didan baan ahay,nuqulka oo ubadan sareebeeb  waxa uu kula had layaa bulshada soomalida dhammanteed oo uu si faynayo sida ay yihiin imika.

Qoruhu waxa uu taa badalkeeda haddana kaga hadlayaa nuqulka uu magaciisu yahay  nin quustay baa quus ah anigu magac kale ayaaban ula baxay markaan akhriyay oo waxaan idhi  IFTIINKA NOLOSHA maxaa yeelay waa nuqul   sidhaba u gil  gilay dareenkayga wax baddanna ku soo kordhiyay wax badan oo kalena iga badalay.  Waxa iyana xusid xushmayn iyo xaqdhawrba le sida  wacan ee uu qoruhu uga hadlay magaaladii uu ku hana qaaday ee Hargaysa Hadhwanaag,waxa uu dhinaca kale bar bar dhigay  Muqdisho oo uu qoruhu ka qoray qoraal qiiro, qamuumyo jidheed iyo qaylo dhaan nafeed  xambaarsan,runtii markaan akhriyay nuqulkaa uu qoruhu kaga sheekeeyay muqdisho iyo sida dareenka le ee uu u taabtay dagallo badan oo damaqooda laga dhoohan yahay, waan oo yay illaa haddana waan oo yayaa! Allaoow ku barinaye muqdisho iyo umadda somaliyeedba quwee  oo soo celi sharftii iyo milgihii  dadkayaga amiin,

Ka sii soco qoruhu wuxuu buugga gaba gabdiisa kaga hadlay nuquladan urur dameeraad, iyo hargeisa oo uu ka qoray qoraalo dhawra  oo uu mid walba ku tilmaamayo  kagana sheekaynaayo xaalka ay ku sugantay iyo sida ay yihiin dadkeedu isaga oo ka eegay dhinacyo badan. Guu naanadka buugana waxa uu ka dhigay oo aanu iyana hilmaamin MASAR oo ah halkii hana qaadkisa aqooneed  habitaankeda lahayd.

Hadaba buuggu maaha mid ka kooban qoraalo iyo nuqulo kala gadisani uun, ee waa mid  koobsaday dhinacyo kala gadisan sida

1:waxaad ka ogaanaysaa oo uu ku barayaa qoruhu ugu horaynba qaybaha nolosha,oo uu siyaabo kala duwan inoogu suureeyay

2:waxa kale oo aan buugga ka maqnayn xaga suuganta iyo quwaynta afka oo uu qoruhu aad u adeegsaday,waxa aad arkaysa qoraha oo inbaan is ticmalaaya maansooyin  qurxoon,marna adeegsanaaya  erayo isku macne ah haddana kala dhawaq iyo qoraalba ah. Taas oo aan is idhi qoruhu wuxuu uga dan laha inu qoruhu bara bulshadiisa awoodda iyo qaninimada afka soomliga ahi leeyahay, waanu ku mahad san yahay dadaalkaa.

Haddaba aynu gaba gabayne qoruha buuggu muxuu  haleelay, muxuu mushteegay amma ilduufay, muxuu se  mutaystay.  Qoruhu wuxu haleelay amma asiibay inuu si foayoow,aqoon iyo waaya aragnimo xirfadaysanina ku dheehan tahay uga hadlo uguna soo tabiyo  dadka wixii maankiisa ku kaydsanaa,oo uu ku bixiyay wakhti badan,una huray maskax,maal iyo muruqba.

Muxuu mushteegay amma naqdin ah ,qoruhu wuxuu ka hadlay oo buuga ku jira qormo aad uu xiisa le taas oo uu kaga hadlay heesaha magaceeduna yahay HA IIDIIDIN HEESAHA, waxaan leeyay suugantu waa, hantida umadi leedahay ee ay kaga soocnato qoomiyadi qoomiyad kale. Haddana sugantu wa kala suugan, heesaha muusikada wata ee loo garaacayo aaladaha kala gadisan waxan odhan karaa dhagaysigoodu wax yeelo mooye wax tar male, markaa haddaad leday heesaha hala dhagaysto oo aad bulshada ku dhirinayso waxan qaba  qalbi qalaf moye qiimo inoooma le  alle ayaynu ka magan galnay qalbi angagne.

Muxuu mudan yahay qoruhu: qoraha buuggu wuxuu mudan yahay ammaan, hanbalyayn, hareer istaag iyo in lagu sunto qoraa bulsheed maskaxaysan ,maan toosiye, muuq dhishe maamul hage ah

 Waxaas oo dhanba isku duubo waa kuma haddaba qoraha buuggu?

Waa Axmed Ismaaciil Maxmed  axmed deeeq

Waxaan lee yahay qoraaga, adduunyada ladnaan iyo liiban ku noolo

Akhirana luggooyiyo lagaa xijaab dhibkeedoo looxagu noqoy  midig

 

 

W/Q :Nada Yuusuf Cumar  umuayuub2011@hotmail.com