GUDDIDA TAAGEERADA SHIRKA QARAN EE BEELAHA HABARMAGAADO OO GOBOLKA GABILAY KA BILAWDEY,DHAQDHAQAAQYO TAAGEERO RAADINA IYO MOOGANAANTA XUKUUMADDA BY MUSTAFA SH ABIBAKER‏.

GUDDIDA TAAGEERADA SHIRKA QARAN EE BEELAHA HABARMAGAADO OO GOBOLKA GABILAY KA BILAWDEY,DHAQDHAQAAQYO TAAGEERO RAADINA IYO MOOGANAANTA XUKUUMADDA BY MUSTAFA SH ABIBAKER‏.

 

Waxaynu isla qaadanay in aynu dalka ku hogaamino nidaamka axsaabta badan (multi party system)……..

waxad moodaa in aynu cajalada dib u celinay islamakaasna aynu maanta marayno 22sanno ka hor halkii aynu taagnayn,waxa inoo baxaya bigil ama caroogii qabyaalada oo aynu wada garanaynu cawaaqibka ka dambeeya haddii aan xal loo helin,waxaynu isla qaadanay in aynu dalka ku hogaamino nidaamka axsaabta badan multi party system,runtii waa nidaam aan ku dhisnayn xaq iyo baadil balse ku dhisan qofkii boqolkiba 51 helaa dalka ha hogaamiyo yeynaanse isdilin,runtii waa qaab muranka loo dhammeeyo,laakiin aan ahayn xalka kama dambeysta ah.nidaamka saxda ah ee loogu talagalay in lagu badbaado adduun iyo aakhiraba waa xukunka illaahay oo duuduub loo qaato,waxaynu nidhi kitaabka qur’aanka iyo sunnada rasuulkeenii suubanaa ee MUXAMED NNKH wali looma bisla ama wakhtigaba lama socdaan waxanaynu ku qanacnay,ma’baadiida reer galbeedka ee loo yaqaan dimocracy,balse waxa la ogaadey dhaqanka soomaalidu mabda’ kastoo la qaato in ay qabyaaladdu kala weyn tahay,waxa maanta dhagaheena ku soo dhacaya shirweyne qaran oo ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaridka ee dalku taasi oo ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu yeelanayo dood qaran oo looga hadlayo xaaladda dalku marayo,taasi oo dalka ka abuurtay muran xaga sharciga ah oo u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyda mucaaridka ah iyada oo uu awalba dastuurkeenu ahaa mid qabyo ah iyo xeerbaa qeexaya,ayaad moodaa in tiina la isla soo dhaafay oo golayaashii sharci dejinta ee dastuurkan qabyo tiri lahaa laftoodii ay mushkiladaba qayb ka noqdeen,xukuumadda laftigeedii ayaad moodaa in ay badrool ku sii shubtay xaaladan ka dib markii ay ka jawaabtay wax kale sida soomaali weyn ayaa ka dambeysa iwm,si kastaba ha ahaatee waxa iyana aan meesha ka madhnayn caadifad qabyaaladeed oo ah marjiceena ugu dambeeya een waxku xalino,sidaa darteed waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyo beelaysan oo taageero loogu raadinayo shirkan ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaridkii ka dib markii uu ku dhawaaqay mid ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda beelweyna bariga burco BOQOR CISMAAN BUUR MADOW,hadalkaasi oo sii huriyey khilaafkii awalba xalka loo la’aa,waxa afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambeeyey ka socday gobolka gabilay dadaalo beelaysan oo taageero naf iyo maalba leh loogu raadinayo shirka xisbiyada qaranku ku dhawaaqeen,taasi oo ay hagayeen guddi lamagac baxdey,guddida BA’HABAR-MAGAADO iyaba waa kadeed noo hadhoo kabadh ku oodnaaye kudkii bariga dhexe ma’u eegyahay iyo kiiskii falatiin, guddidan oo habeenkan sabti ka bilowdey in ay kulamo la qaataan bulsha ku nool degmada togwajale qaybeheeda kala duwan taasi oo aakhirkii la isla qaatay in la horeysiiyo taageerada dhaqaalaha iyadoo markiiba la gudo galay ururinta dhaqaalahaasi iyo qofkastaaba waxa uu kaga qayb-qaadanayo,iyadoo loo balansanyahay in kulankan mid ka ballaadhan lagu qabto magaalada GABILEY 27KA BISHAN haddii allah yidhaa,waa sida ay guddidu hadalka u dhigeene,hadaba bulshada goblka gabiley inteeda badan gaar ahaan degmadda togwajale ayaa u muuqda kuwo taageersan xisbiyada mucaaridka ah taasi oo ay ku sobobeynayaan laba arimood waa ta koowaade ballanqaadyadii xisbiga kulmiye oo aan haba yaraatee xukuumaddu waxba ka fulin,balse dhagax dhigii xukuumaddii daahir rayaale lagu dhalliilayey mid ka badan ay xukuumadani bilowdey,sida dhagax dhiga mashruucii biyaha togwajale,dhagax dhiga cusbitaalka wajaale,iyo kii ugu dambeeyey ee agoomaha ee ay marwadudhagaxdhigtay dhagax dhigan ugu dambeeyey oo bulshada reer wajaale aad uga cadhaysiiyey ka dib markii la ogaadey in uu ahaa mid looga jeedey kaliya in dhul dan guuda oo uu lahaa DUGSIGA SARE EE KAMIL CIISE lagu xalaashado,arintan oo ay kawada socdeen maamulka magaalada iyo shaqsiyaad sheegtay in ay yihiin qurbo joog degmada togwajale,balse marwada KOWAD AAMINA WARIS ayaa iyadu daacad ka ahayd arintaasi qodobka labaad ee ay bulshada gobolku ku taageerayaan xisbiyada mucaaridka ah ayaa loo aanaynayaa in ay tahay,maamuladda ka jira degmooyinka gobolku in aaney ahayn qaar haysta kalsoonida shacabka balse ay yihiin kuwo u adeega koox ama group kaliya oo ka tirsan xukuumada dhexe.guntii iyo gaba gabadii arintani waxay dalka u horseedi kartaa burbur haddii aan laga gurman,gaar ahaan xukuumaddu waa in ay xildheeraad ah iska saartaa xal u helida arintan .