Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sheegay in qolo xukuumada diifacaysa iyo Inamo Yaryar Oo Qalqaali Ah Oo faraha fiiq-fiiqaya jar ka tuurayaan Xukuumada Silaanyo Hogaaminaayo, sheegayna in isku shaandhayntii uu sameeyay Sideeda Ujirayso.

waddani

Oslo, Guddoomiyaha  Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa fariin miisaan mucaaridnimo leh u diray Xukuumadda uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu ku eedeeyay inay ka dambayso kala hadalka labada Guddoomiye ku xigeen, taas oo uu carrabka ku adkeeyay in isaga iyo Xisbiga WADDANIba aan looga baqayn dhibaato inay  u keenaan waddanka Somaliland laakiin sida uu sheegay Guddoomiye Cirro xubno is leh Dawlada difaaca iyo inamo yaryar uu sheegay inay faraha fiiq-fiiqayaan ay jar ka tuuridoonaan xukuumadda Siilaanyo.“Somaliland maanta uma baahna xaalad abuur, xamaasad, uma baahnaa in dadka la bahalo geliyo, oo daasado madhan loo tumo, waxay u baahan tahay in hore loo sacdo, inay habka dimuquraadiga ku socoto, habka doorashada ku dhawaato oo ay u diyaar garowdo, laakiin waxaad moodaa in Kulmiye waddo taas ka duwan uu hadda qaaday.” Sidaas waxaa yidhi Guddoomiye Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo  hadal ka jeediyay kulan uu magaalada Oslo kula qaatay taageerayaasha Xisbiga WADDANI, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi  “Markii aan soo baxayaay waxa la sameeyay isku shandhayn Guddi hoosaadyada Golaha Wakiilada, sida xeer hoosaadka Goluhu dhigaayo Gudiyadaas waa in sannad kasta la sameeyaa, qorshaas isku shandhayntiisu soo raagtay mudo badan oo Golo weynuhu ka hadlay, oo Guddi gaar ah oo aanu samaynay  ka hadleen oo Shir guddoonku saddexda xubnoodba  isla qaateen in isku shaandhayn la sameeyo. Isku shaadhayntaasi waxay waafaqsan tahay sharciga, hasa yeeshee waxaad ka warhayseen intaan soo maqnaa go’aan  aan Goluhu lahayn oo debeda kaga yimi oo la isku deyaayo in lagu bedelo.

Go’aankaasi meel fog kamuu iman ee waxa uu ka yimid meel aan naga fogayn oo aanu jaar nahay ayuu ka yimid, somaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘xaafadi xaafad waxay ugu wareegtaa waa xasarad’  waxaad moodaa qoladaa aanu jaarka nahay waxa ku soo kordhay caruur badan oo qal-qaali ah, waxaan is leeyahay qolo leh xukuumada daafaca iyo caruurtaa qal-qaaliga ahi inay jar ka tuuraan maanta. Waxaan leeyahay balo ma jirto aniga iyo Xisbiga WADDANI looga baqan maayo inay dhibaato waddanka u keenaan, laakiin imanadaa faraha taag-taagaya ee faraha fiiq-fiiqaya, waxaanu ku leenahay ballo ma jirto ee faraha ha fiiq-fiiqina ee iska daaya ayaan leeyahay, hadaad joojin waydaan fiiqfiiqa, waxaan filayaa inaad farta dhexda ka qaniini doontaan,

Wuxuu intaas ku daray “Dhamaan kuraasta waxa iska leh qaranka ka Siilaanyo iyo kaygaba waxana loo marayaa sifo sharci ah balse haddii loo maro sifo sharcidarro ah waxa laysku qabsandoonaa dhamaan kuraasta”.

Salaanmedia/Hargaysa