Gudoomiye ku xigeenka XISBIGA WADDANI ee Qaarada yurub Oo Hanbalyo u Diraya shacabka somaliland iyo taageerayaasha XISBIGA WADDANI‏

 Gudoomiye ku xigeenka XISBIGA WADDANI ee Qaarada yurub  oo HANBALYO u Diraya shacabka Somaliland iyo  taageerayaasha  XISBIGA WADDANI

 maraaci

 

Gudoomiye/ku xigeenka qaarada yurub ee XISBIGA WADDANI C/raxmaan A Farax (al-maraaci)  ayaa Hanbalyo diiran u diraya dhamaan Taageerayaasha XISBIGA WADDANI maamulka sare, golaha dhexe, golaha fulinta,  xubnaha barlamanka gudomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe iyo dhamaan shacab waynaha Somaliland sida farxada iyo raynrayntu ka muuqtay  ee ay u soo dhaweeyeen Gudomiyaha Barlamanka somalilanad ahna Gudomiyaha XISBIGA WADDANI  mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdulahi (ciro),  waxaana uu xusay in Somaliland uu maanta u abuurmey waa cusub oo somaliland u horseedaya in ay gaadho horumar ictiraaf, sinaan iyo, Cadaalad ..

Gudoomiyaha  ayaa sidoo kale xusay in Dhalinyarada Somaliland dhamaan  uu hanbalyo gaar ah u dirayo iyagoo ay saaka ka muuqatay farxad dheeraad ah madaama ay soo dhawaatay isbadelkii siyaasadeed  ee ay sugayeen dhalinyarada Somaliland iyo guushii XISBIGA WADDANI ..

GUDOOMIYE Cabdirahmaan  ayaa ugu danbayntii xusay in uu u dirayo dhamaan shacabka somaliland iyo taageerayaasha XISBIGA WADDANI meel kastoo ay joogaan   Hanbalyo kal iyo laab ah,,   waxana uu yiri  hadaanu nahay taageerayaasha XISBIGA WADDANI  iyo  shacab waynaha somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida  waxaanu taageersanahay  shirka DOOD QARAN iyo arin kasta oo lagaga tashanayo  horumarka ,midnimada iyo masiirka Somaliland..

Isaga oo hadalkisii sii wata ayuu yiri waxaan hanbalyo u dirayaa mar kale GUDOOMIYAH XISBIGA WADDANI Cabdirahman mahamed Abdulahi (ciro) iyo gudoomiye kuxigeenka XISBIGA WADDANI Axmed Muumin Seed iyo dhamaan hogaanka sare ee XISBIGA WADDANI ayna yihiin waddaniyiin mudan in ay hogaamiyaan dalka qaaliga ah ee somaliland 
XISBIGA WADDANI  noqdo Hogaanka  mustaqbalka dhow ee somaliland  uuna leeyahay Astaantii horumaraka  uu ku hagaamin lahaa  dalka iyo shacabka qaaliga ah  ee  SOMALILAND