HADDII LABADA XISBI EE MUCAARIKU DOOD QARAN QABAN KARI WAAYAAN, MUFAATIXDA XAFISYADOODA HA U DHIIBAAN MADAXWAYNE SIILAANYO; by F. Farafidiye

Inline image 1

Waxaan halkan ka saaamayaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland debeda iyo gudahaba, waxaanaan ku salaamayaa salaanta islamka ee ASALAMU CALAYKUM,

Waxaan salaantaas mid la mid ah hawada u marinayaa Bahwaynta reer waddani ee debada iyo gudaha.
 
Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada isku shaandhayntii uu ku sameeyay gudiyaddii golaha wakiilada, taas oo uu ka saaray xildhibaanadii ku adeegan jiray guddiyada golaha wakiladda ee Somaliland,gudoomiye Cabdiraxmaan oo isku shaandhayntaa sameeyay wakhtigii loo bahnaa taas oo aad dareemayso qaylada ka soo yeedhay Madaxtooyada oo iyadu beryahan danbe caan ku noqotay inay meel kastaba farageliso oo maanta maraysa inay golahii wakiiladda dab ku soo dhex tuurto,taas oo aynu ogayn inay xiita caruurtii derbi jiifka dhaafi wayday oo ay faraha la gashay[ xadhigii luul xasan mataan].
Waxaan halkan ka Hambalyanayaa dhamaan xildhibaanadda ku soo baxay hogaanka guddi hoosaadyada golaha wakiiladda ee saddexda xisbi qaranba, waxaan si gaarah u bogaadinayaa xildhibaanadd, Mujaahid Ibraahim M. Buubaa iyo awowgay Xidhibaan Rayte, iyo Xildhibaan Saciid W. Ismaacil oo dhamaantod ka soo jeeda Xisbiga Waddani
Waxaa bogaadin iyo sharaf mudan oo aan isna halkan ka Hambalyaynayaa Xidhibaan Cabdiqaadir jiride oo markisi horena ahaa ragii Somaliland dhidibada u taagay wakhtigii uu ahaa gudoomiye ku xigeenka Golihii Wakilada ee hore maanta codkiisu uu ahaa kii lagu kala baxay ee uu Xildhibaan Rayte ku guulaystay oo aan qabo inuu codkiisa u eegay halkii danta dadka iyo dalkuba ku jirtay oo aanay taarikhdu hilmaami doonin.
 
Waxaa ayaandaro ah inay maantana xukumadeeni fidno kale ku soo dhex tuurtay golahii wakiiladda iyada oo adeegsanaysa labada guddoomiye ku xigeen oo aynu hadalkoodi ka maqlaynay warbaahinta iyaka oo leeh waanu la ogayn gudoomiyaha isku shaandhaynta ee waanu il duufnay ee maanta oo aanu leenahay isku-shaandhayntu sharci ma aha ayaanu saxnahay ee shalayto waannu khaldanayn.
Hadalkaas oo ah mid af masuulah ka wayn oo run ahaantii wax wayn u dhimaya qarannimadeena iyo inaka oo muddo 20 sannadood ka badan dawlad ahayn.
Dhallinyaro reer Somaliland oo TVga markaas daawanayay ayaa i waydiiya labadan gudoomiye ku xigeen maxay ahaayeen?
Waxaan ugu jawaabay malaa Maamul Goboleedada Somalia ee ciida ka badan bay yihiin, ee xageena Somaliland ma ah, sababta oo ah way igu adkaatay inaan i dhaahdo waa shirgudoonkii Golaha Sharci dejinta Somaliland masuuliyiinta sidaas u hadlaya.
Waxaa inoo cad sida cadceeda inaan arinta la diidanyahay ama loo burburinayaa aanay ahayn xitaa xisbigii Kulmiye ee ay tahay hal shakhsi oo uu xidhibaan Rayte kaga adkaaday hogaaminta guddida Arimaha gudaha iyo difaaca, taasina waxaa ku cadaynaya xildhibaanadii Kulmiye oo ku qanacsan isku-shaandhaynta waatii aynu warfaafinta ka aragnay inta Madaxtooyada ka dab qaadata mooyaane.Madaxtooyadu haddii ay dan mooday inay dalkan faudo geliso waxaan qabaa inaan laga yeelaynin ee ay iydu wax ku waayayso dalkanina inaanu ruxmaynin sabantoo ah dhul gariir siyaasadeed oo ka culus baa ruxi kari waayay.
 
LABADA XISBI EE MUCAARIDKA AHI EE UCID IYO WADDANI WAXAY KU BAAQEEN INAY DOOD QARAN OO U KA QAYB GALKEEDU U FURANYAHAY DHAMAAN GOLAYAASHA QARANKA, XISBIYADA QARANKA,IYO QAYBAHA BULSHAD OO DHAMI INAY KA QAB-QAATAN INAY QABANAYAA.
 
1. MAXAA U DHEXEEYA DOOD QARAN IYO SHIRWAYNE QARAN?
a) Dood qaran waxaa gebo-gebada ka soo baxa talooyin.
b) Shirwayne qaranna waxaa ka soo baxa goaamo lagu dhaqmo.
 
2. MAXA LAGA DOODAY?
a) Siyaasadda arimaha debadda, maxaa inaga xumaaday, maxaynu ku darnaa, wadahadalada Somalia maxaa faaiido ah ee aynu ka haynaa.
b) Siyaasadda Arimaha Gudaha, midnimadda, nabadgeyada iyo amniga, hormarka iyo maamulka gobolada iyo degmooyinka.
c) Siyaasadda Dhaqaalah, misaaniyada iyo dhaqaalah guud, cashuur qaadista,isu dheelitirka mushaharka iyo nolasha qoysaaska. adkaynta shilnka Somaliland
d) Siyaasadda Difaac dalka, tayanta iyo tababarka ciidamada, maamul fidinta xududah dalka, 
e) Siyaasada Arimaha Bulshada, shaqo abuurista,la dagaalanka tahriibta, horumarinta haweenka iyo qoayska, dhallinyarad iyo ciyaaraha
f) Siyaasadda Doorashooyinka, komishanka doorashooyinka qaranka, diwaangelinta cod bixiyayaasha, Axsaabta qaranku ma guteen waajibaadkoodii
g) Cadaaladda iyo distoorka, cadaalda iyo maxkamadaha, qabyada distoorka iyo shurucda, gufaynta dadalooladda distoorka
h) Khayradka dabiicigah, heshisyda shirkadaha sahaminta shidaalka
j) Iyo dhamaan arimaha kale ee dalkeenu iyo dadkeenu u baahanyihiin
 
Waxaa laga doodayaa arimahaas oo dalkeenu iyo dadkeenu u baahan yihiin oo geb-gebadan ay ka soo baxayaan tallooyinka ugu haboon ee aynu horumar ka gaadhi doona, waxaa wax lala yaabo ah in dooda dalka iyo dadkaba dani ugu jirto la yidhaado sharci ma ah ama kolba wax lagu sheego oo iyada oo Madaxtooyadu dabada ka riixayso la yidhaahdo waa shir beeleed inaka oo ogayn wakhtigii Riyaale ciddii ku doodaysay inaan doorasho la qaban ee shirwayne la qabto{ Kulmiye} iyo ciddii ugu horaysay ee shir beeleed siyaasi ah qabsatay.
waxaa la yaabah waa XISBI QARAN iyo DOOD QARAN MA QABAN KARAAN labadaasi meel ma wada galaan ee shikhow jiib noom taani
 
WAXAAN LEEYAHAY HADDII LABADA XISBI QARAN AANAY DOOD QABAN KARAYN, WAXAA LA GUDBOON INAY MAFAATIIXDA IYO WARAAQAHA XAFIISYADAB U GEEYAN MADAXWAYNAH OO ARINTEENU AHAAD XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA SOMALIYEED OO AYNU HALKAAS KU SOO AF JARO GEEDI SOCODKII DUMUQRAADIYADA EE UU SILAANYO SHEEEGI JIRAY MARKII UU MUCAARIDKA AH.
DOORASHOOYINKANA AYNU ISKA SUGNO OO MARKA UU ODAYGU DAALO XIRSI GAAB OO BHD SOO QAATAY BAA INOO JOOGA.
 
WAXAAN LEEYAHAY HADDII U GUDOOMIYAHA BARLAMAANKU ISKU-SHAANDHAYN SAMAYN KARAYNIN, WAXAA LA GUDBOON INUU FURAYAASHA GOLAHA BARLAMAANKA IYO GUURTIDABA LOO GEEYO MADAXWAYNAHA OO AYNU QAADANO NIDAAMKA KELIGII TALISKA AH.
  
 
Waxaynu warbaahinta ku aragnay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada oo leeh 
1. Shirwayne qaran lama qaban karo Madaxwaynaha mooyane cid kale ma qaban karto.
2. Iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan afkiisa buu ku hadlay ee kii golaha Wakiilada kumuu hadlin.
Waxaa nasiib darro ah inuu gudoomiye ku xigeenku ka hadlay shir aanay ku baaqin qabashadiisa Xisbiyada Mucaaridka ah, haddii aan xusuusiyo baaqa mucaaridka waxa uu yahay.
LABADA XISBI EE MUCAARIDKA AHI EE UCID IYO WADDANI WAXAY KU BAAQEEN INAY DOOD QARAN OO U KA QAYB GALKEEDU U FURANYAHAY DHAMAAN GOLAYAASHA QARANKA, XISBIYADA QARANKA,IYO QAYBAHA BULSHAD OO DHAMI INAY KA QAB-QAATAN INAY QABANAYAA.
Hadaba waxaa iswaydin mudan halka uu gudoomiye ku xigeenka labaad ka keenay shirwayne qaran iyo cida tidhi waanu qabanaynaa?
Gudoomiye Cabdiraxmaan waxa uu leeyahay dhawr Koofiyadood [ Gudoomiyaha golaha Wakiilad iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ] oo Distoorka Somaliland u baneeyay inuu kolba tii uu rabo uu gashado, markaa haddii uu gudoomiye ku xigeenku uu diiday inuu ku hadlo afka golaha Wakiilada, waxa uu gashan doona koofiydii kale ee Xisbiga Waddani.
Hadaba waxaa layaab noqotay iyo af kala qaad lana is waydinaya afka aad adiga oo ah gudoomiye ku xigeeenka labaad aad ku hadlaysid, sharciga Somaliland marka la eego waxaa jooga labadi xubnood ee ka mudnaa oo Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii kowaad, caqliga saliimkana marka leego adiga oo sheegay inaanu gudoomiyuhu ku hadlin afkii golaha wakiilada waxaa cad inaanad adiguna ku hadli karin
Bulsha waynta Reer Somaliland weli waxay sugayaan inuu gudoomiye ku xigeenku cadeeyo afka uu ku hadlayay ee Tvga ku soo hor fadhistsy?
 
LA SOCO QAYBAHA KALE
 
ALLA MAHAD LEH
  
 Faisal Farafidiye
Golaha fulinta ee
xisbiga waddani 
Â