Hogaanka Cusub iyo Horumarka Jaamacadda Hargeysa

Hogaanka Cusub iyo Horumarka Jaamacadda Hargeysa   

unnamed (5)

Jaamacada Hargeysa waxay yeelatey hogaan cusub laga bilaabo bishii July 23, 2013. Hadaba ma dib-u-dhac ayuu hogaanka cusubi u horseeday Jaamacadda Hargeysa mise horumar la taaban karo waa nuxurka uu qoraalkani rabo inuu iftiimiyo.

Maqaalkani wuxuu daba socotaa qormo ku soo baxday mareegta www.hadhwanaagnews.com November 24, 2013 oo laga akhrisan karo (Guji amba riix halkan) Waa qormo ka soo baxday Xafiiska Hargeysa ee Mareegta loona soo gudbiyey sidii war ahaan ee aan ahayn fikir shakhi. Waxaanay u dhadhameysaa sidii ooy tahay aragtida mareegtu qabto(editorial of the news page). Gefka amba goldalooladda jirta in marwalba la soo bandhigaa waa waajib laakiin waa inay salka ku haysaa dhab iyo xaqiiq muuqata, haddii kale waxay noqoneysaa arrin xumaan looga jeedo.

Dr Cabdi Xuseen Gaas oo ka waramaya naftiisa iyo waxbarashada Somaliland intii uu degannaa Maraykan ee xilkan aanu qabanna waxaad ka daawan kartaa iyadoo muuqaal ah halkan (Guji amba riix halkan)

Golaha Odayadda Jamacada Hargeysa (Hargeisa University Board of Directors) ayaa ogolaada amba diida wixii isbedel ah ee hagaanka Jaamacadu rabo in la hirgaliyo. Gudoomiyaha, Dr Cabdi Xuseen Gaas, iyo maamulkiisuba waxay soo jeediyaan talooyin(recommendations) marka Golaha Odayadu fasaxo fulintooda ay mas’uul ka yihiin. Maanta, Jaamacada Hargeysina wey ka gudubtey inay noqoto meel keligii taliye gacanta ku hayo. Waxa ha hawlgala ugu yaraan  200 oo qof oo barayaal ah, waxaana dhigta arday tiradoodu ku dhaw dahay 6,500.

Haddii aad booqato mareegtan: www.universityworldnews.com oo wax ka qorta Jaamacadaha adduunka, waxaa dhawaan ku soo baxay qormo bishii Sept 14, 2013 magaceedu ahaa: “Jaamacada Somaliland oo hantidey aqoonsi caalamiyeed” Somaliland university gains international recognition oo uu qoray Matthew Newsome. Waxaak ka akhrisan kartaa maqaalkan oo dhan (Halkan guji amba riix)

Khudbadii xil-la-wareega Dr Cabdi Xuseen Gaas wuxuu ku balan qaaday inuu dhisi doono Ururka Ardayda Jaamacada (University Student Union) oo ah awood ay ardaydu yeelaneyso kana shaqeeya danta guud ee ardayda, bishii December 2012 gudaheedii ayuu ogolaadey Golaha Odayada Jaamacadu in la dhiso

Maanta Jaamacadda hargeysi waxay leedahay bog ku yaal Facebook ga oo cinwaankiisu yahay (Halkan guji amba riix) ahna ka ugu dhaqdhaqaaqa badan ee maamulka, ardayda, iyo dadka jecel Jaamacaduba ay kuwada xidhiidhaan kuna kala warqaataan. Taas waxaa dheer isagoo maamulka Jaamacadu oo uu Gudoomiyuhu hormood ka yahay ay dib-u-dhis weyn ku sameeyeen mareegta Jaamacadda Hargeysa ku leedahay Waabka Adduun Weynaha(http://huniversity.net) oo ah il aad ka daalacan karto horumar iyo furfurnaan badan oo Jaamacadu gaadhey qarsoodigiina meesha ka baxay.

Wey dhacday in September 2013 arday ka tirsan Jaamacadu rabshado dhigeen iyagoo diidan korodhka kharashka waxbarashada, laakiin ardayda badankeedu arrin ay garawsadeen ayuu noqday. Korodhka kharashka waxbarasho ee sanadkan 2013-14 hirgaleyna waxaa ka arki kartaa halkan: (Halkan guji amba riix) markaad u eegto lacagta lagu dhigto Jaamacadaha kalena weli iyadaa u jaban.

Arrinkan dhaqaale la’aanta ee ardayda qaarkood la soo darsana waa mid xal loo heli karo haddii dadweynuhu diyaar yahay. Adduunka Jaamacad waliba waxay leedahay tiir loo yaqaan Musdambeedka Jaamacadda (University Foundation) oo kaalmo la garab taagan Jaamacada iyo ardaydeedaba. Tusaale, Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Prof Suleyman Axmed Guleed, ayaa dhawaan booqasho ku yimid Maraykan gaar ahaan magaaladda Miniyaabolas oo Musdambeedka Jaamacada Camuud (Amoud University Foundation) fadhiisin u ah, aadna uga mahadnaqey tuseyna in Jaamacadu la’aantood ayna horumar ballaadhan gaadheen

Dhammaadkii bishii September 2013 oo ahayd xafladii qalinjabinta ee dufcadii 10aad ee ka baxda Jaamacada, hogaanka cusubi wuxuu furay dariiq aan hore u jirin oo ah in siyaasadu ka maqnaato goobta waxbarashada, xafladahan oo kalena ayna noqon meel tartan siyaasadeed ka muuqdo

Gabagabo iyo gunaanadkii, yaanu qalinkaagu noqon mid dhib leh oo dheef ka dheer. Had iyo jeer siday wax u jiraan u sheegan fikirkaaga oon ka dhex muuqan qoraalkaaga.

Aniisa Cumar Geele

aniisaguray@gmail.com

Hargeysa, Somaliland