Ila Qosol :Kaysar Meel Ka Fadhiisay!!!

Asaxaabtayda, Taageerayaashayda iyo Eheledayda Fadlan qof kasta oo daawada Filimkan yar ee hoos ku lifaaqanb oo Qosla waxaan ka codsanayaa inuu lacag ugu deeqo Jidka Ceergaabo. Qosol bilaash ah idinkama rabno, ee fadlan kollay waad qoslaysaane shililmaad yar noogu badala Qosolkaas oo Jidka Ceergaabo wax ku darsada.

 

Intaas ka dib waxaan halkan ku caddaynayaa in Danjire Cali Aadan oo ah Safiirkeena UK uu ka mid yahay Danjirayaasha ugu hawl karsan ee dalka dibadiisa inoo joogga, waxaana naga dhaxaysa wada shaqayn aad u weyn oo habeen iyo maalinba aanu Qarankeena u hayno, waxba kama jiraan in muran uu nagu dhex maray Madasha shirka iyo meel kale toona. warbixintan Wariye Xamse soo dhoobdhoobayna runtii waa malo awaal la mid ah warbixinaha khaldan ee had iyo goor la isku dayo in dadka xilalka haya lagu xagxagto.

Hadaba aan kaftan yar raaciyee haddii aan Safiirka Wareega ahay inaan kolba gees u wareego ma khalad baa! shirarrka, gobolada, iyo wadama kala duwan ee dunida sow inaan ku wareegaysto maahin!

Haddii aan sheego sida xaqiiqdu tahay markii aanu Madasha shirka soo galnay waxaanu ahayn Afar qof oo kala ahaa Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Xasan, Xildhibaan Cali gabiley, Aniga iyo Amb. Cali Aadan oo waxoogaa waanu soo daahnay intii aanu jidka kusoo jirnay. Markii aan gudaha soo galay anigu waxaan ku mashquulay Salaanta asxaabta iyo ehelo badan oo aanu kala baadnay oo madasha joogtay,markii aan goobii inaanu fadhiisano soo gaadhnay, runtii way buuxday oo xoogaa is dhexyaac ah ayaa ka muuqday.

Dabcigaygu maaha inaan afka taago oo aan dalbado in meel la I fadhiisiyo, laakiin sidii qof caadi ah oo isku kalsoon ayaan Kursi qaatay oo aan cadhiidhsaday madashii oo aan ag fadhiistay Madaxdii kale. Hadaba Taasi ma Fadeexadbaa? Mise Qarnigan aynu ku jirno wax kastaa waa fadeexad.

Waxaan fursadan uga faaiidaysanayaaa inaan u Mahadnaqo Jaaliyada reer Somaliland ee UK, Gudigii Qabanqaabada iyo Danjiraheena UK Amb. Cali Aadan oo si wadaniyadi ay ku jirto u gutay Shirkii Qaadhaankii Wadada Ceergaabo.

Waad Mahadsan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed