Liverpool Oo Ku Dhaw Iney Lasoo Saxiixato Daafac Ka Tirsan Barcelona, Waa Kee?

Montoya

Sida ay ku warantay  Jariirada Mirror Sports isku dubaridaha kooxa Liverpool Ian Ayre ayaa u duulay magaalada Barcelona si uu wadahadal ula yeesho daafaca  da’da yar ee kooxda Barcelona Martin Montoya.

Safkarka Ian Ayre ayaa la filayaa inuu guul kusoo dhamaado madama uu la balansan yahay wakiilka xidigaan da’da yar kaas oo boos joogta ah ka heli waayay Bulgarana.

Liverpool ayaa wiilkaan mudo badan ku raad joogtay iyadoo dooneysa iney bisha January kusoo biiriso Anfield.

Montoya ayaa noqon doona xor marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan balse Liverpool ayaa ka cabsi qabta in Barcelona ay heshiiska u kordhiso ka hor mudadaas iyadoo markaas ku qasban iney soo iibsato January.

Tababare Rodgers ayaa ka walwalsan dhaawac mudada dheer ee Jose Enrique wuxuuna doonaya inuu badal kaga dhigo Montoya.

Ugu dambeyntii Liverpool waxaa wiilkaan kula dagaalamaya kooxda Inter Milan iyo Arsenal, wuxuuna ka tirsan yahay wiilasha 21-jirada spain.