Maanso la yidhaaho Haaheey lasoo miidh iyo Abwaan Moholin

Maanso  la  yidhaaho

haaheey  lasoo  miidh

.MOHOLIN

kol  haddii  mageyniyo

inaadeer  masuulaan

murtidiisa  jecela hay

cabdi  weli  imagac  dheby

ku  masuugi  maayee

anna  maragga  aan  furo

.

Meesha  ay  udhimatiyo

Maasheeda  aan  saro

Muuqaal  ka  joogiyo

Kolkaan  maamul  socodkaa

Marin  kaa  qodxaha  badan

Ee  la  maraya  eegaba

.

In  mujaahid  nima  dhabi

Ay  minanka  qaar  tiil

Shaki  baaba  igu  mudan

Aniga  iyo  maan  kay 

Sidii  aad  mar  hore  tidhi

Faataxo  in  loo  maro

Inta  wada  masuulaba

.

Oo  uu  (MAWLA  ) garashada

maskax  dooda  geliyoo

Halgan  kii  la  soo  maray

Intii  mayd  la  aasiyo

Intii  geesi  meel  dheer

Malag  yadu  uqaadeen

.

Dibu  milili  caanoo

Miisaan ka  saaraan 

Intay  qiima  mudan  tahay

Gobanimada  maan  deeq

.

Musuqaa  hirgalayee

Miidaan  la  deyinee

Moodka  iyo  noolkaba

Midig  tayda  mooyee

Ma  geyaan  ciddii  kale

La  metalayo  faqash tii

Malafsiga  la  joojoo

Loo  sinaado  maalkeed

.

Minja  haa  sareeyoo 

Madaxiina  hoosee

Halka  macalin  dooriyo

Mufti  weyn la  qoran  laa

Mirta  dhexe  dar  fadha ta ah

La soo  miidhay  haaheey

.

Mid  labaad na  waxay  tahay

Meeshan  ay  jeclaysteen

In  la  maro  sidoodoo

Murta  lala  walaaqdoo

Ay masiiba  qaran  tahay

Iyadaana  maya  idhi

.

Kol  haddaan  muduci  iyo

Maddaacalay ba  jirinoo

Xaal  yahay  maroorsaday

Imuquuni  mooyee

Milga  wacan  la  filanayn

Madax  too  yadeediyo

Intaan  miiska  dheer  ahay

Mareegtaa  ku laba  rogan

Madhxin  mayo  xoolaha

Hadh  cad  lagu  madiixoo

Caqligiiba  maqan  yahay

Markalay  dibnaha  cuni

.

Saddexaadna  maraqiyo

Aan  ka  furo  muftaaxoo

Siday  tahay  umariyee

Adna  muudsanaa  yaw

Maatida  xaqeediyo

Mashruucaa  tahriibta  ah

Dhaca  laga  maxeebsaday

Yuu  dhakhsaaba  kaa  madhan

.

Soo  dhowaade  maal  muhu

Sanduuqii  madoobaa 

Maydhaan  ka  laba  jeer

Isna  maya  ku  faalee

Malafsigii  ka  xaaraan

Mar  idage  ka soo  qaad

.

Minka  baxay  fariin  tebi

Mayay  iyo  cir  hooriyo

Miiraale  soo  sheeg

Naafada  masruufiyo

Masaakiin  daryeeliyo

Mideeyuu  inoo  noqon

.

Midkaleeto  waxay  tahay

ilaa  mooska  lagu  rogo

Soo  mudhbaxo  qiyaa muhu

Aduun  baa  masuulka  ah

Sadex  midab laheenee

Cabdiyaw  ha  moogaan

.

Markastana  aduu  yahay

Mawjad  daa  facaysaa   (1

Weligood  mulaaq  iyo

Qalax  lagu  maroo  jiyo

Ha  cabbaan  maqaar  saar

Miina  aaska  yeelkood

Ayakay  minjaha  goyn

.

Wixii  maarmi  waa  ihi

Meesheeda  wee  yaan

Nabad  baa  macaan  badan

Ku  mitida  halkaa  soo

Bulsha  yahay  middaa  dhawr

.

Midna  aan  ku  soo  xidho

Imashquu  liyoo  dhaba

Tiifiigan  magic  qaran

Lagu  muunadeeyee

Hees  lagu  madiixoo

midhaa  guul  wadaynta  ah

dhawr  miim  ammaantood ( 2

miridh miridh  usoogala

.

Ma  intuu  ku  meeraa

Mulkigiisa  yeeshoo

Manidooda  kala  baxay

Qajil  kii  xagguu  maray

Dad  ka  yaa  masaxa  yoo

Damiir  koodi  muudsaday

Daciifnimo  muggaa  saa

 ku  dhex mudanba  qaaroo

miranaysa  waaxyaha

weligay  ma  moodayn

 

 

1 .waa  shacabka

2. waa maamule.maareeye. masuul sare

Curiye  . waa .Moholin