Maantanna ma dood cilmiyeed ayuu noqday shirkii UCID iyo WADDANI?

Maantanna ma dood cilmiyeed ayuu noqday shirkii UCID iyo WADDANI?

November 19th, 2013 

Cabdilaahi JohnAniggoo aad u ixtiraamaaya bahweynta asxaabta Mucaaridka Jamhuuriyadda Somaliland markasta, isla markaasinna dhowranaya asxaabnimadda, xidhiidhka iyo xaq dhowrka noo dhexeeya bulsho badan oo ka midda Xisbiyadaasi Qaranka ee sharcigga iyo qaynuunka dastuurka qayb u lahaanshahooddu ka jiro dalka, taasi oo ah dabakhaadda iyo u hogaansamidda sharciyadda iyo dastuurka dalka u yaalla oo mucaarid iyo muxaafid ayna cidinna xaq u lahayn in sifo khaldan loo baal maro ama lagu tunto, waxaan dhaliilayaa qaabkoodda iyo dariiqa habowsan ee ay ku joogaan.

Gudoomiye Muuse Cabdilahi Nuur waxuu maanta Wargeyska Haatufmedia u sheegay in shirkani ay dabadda ka riixayaan uu yahay Dood cilmiyeed lagu eegaayo arimaha Qaranka. Waxaa hadaba khaladda oo sharcigga baal marsan in Dood cilmiyeed ama Shirbeeleed ama Shir Qaran waxaad doontaan ugu yeedha oo in wax aan wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Cali Mohamed WaranCade soo xalaalayn inuu yahay khayru dastuuri aan biri taaban oo bakhtiya. Arin kasta oo Qaran waxaa gudoominaaya oo aabe u ah Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Ahmed Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxman Saylici iyo weliba Haayadaha kale ee sharciggaa ee xilkaskaa, waayo waxaa muuqanaysa in hormoodkii Ummadda ee Haayadaha sharcigga qaarkood xilkii ummadda la habaabeen oo ay dayow iyo dawakh ku jiraan maanta oo dhegtoodda ay haystaan qolyo kale, inkasta oo xaaladda Siyaasadeed u egtahay in iyagga laftoodda lays weydaarinaayo oo rag kale oo mucaardika ka middii shaadhka soo jiidaayo, kuwaasina ayna iska ogeyn dabinadda iyo shirqooladda Siyaasiggaa ee Ummadda lagu kala furanaayo, waayo ummadda ayaa ah tuulka ama agabka lagu gaadhi karo liibaanta iyo guusha loo jeelanyahay ee loo wadda yaacaayo maanta.

Hadabba, Nimanka Xisbiyadooddii aamini waayey ee sharcidaro iyo khayru dastuur amuuro ah u baxsaday waxay ila tahay in Ummadda ama shacabka reer Somaliland wakhti iskagga lumin doorkoodda mucaaridadeed, waanna in dadku noqon kuwo maslaxadoodda iyo danahoodda caamkaa ee Qarannimo ay ku ugaadhsadaan shaqsiyaad iyo niman hashii ay fool eryayeen Siyaasiyan nirig iska daaye waxar iyo naylna lagga waayey oo lagu wargeliyey in caloosheedda aan waxba ku jirin, isla markaasina muraaradilaacii Qaranka dhiishii iyo dhiilkiiba ay doonayaan inay ka jebiyaan oo ummadda u horseedaan jidad khatara oo jarar, qodax iyo qaniinba leh, taasi oo haddii aan layska garan cid walba saamayn doonta oo nimcadda maanta dacaladda inoogga buuxdaa quban doonto, qarankunna xagal daac iyo dib u dhac ay ku keeni doonto xumaanta iyo xaqdaradda raga qaar u suxulo duubanyahay ama ay taageerayaan maanta.

Waa ayaandaro weyn, haddii raggii fardaha Siyaasadda fuushannaa ee sharciyadda iyo dariiqa u haystey ku guulaysigga hogaanka dalka inay ka caqli badiyaan rag aan rakuub iyo faras Siyaasiya midna haysan oo siyaasiyan cagga cadi, waa ila qosol iyo quus in maanta Ucid iyo Wadani yiraahdaan faraska Siyaasadda cagta ayaa ka dheeraynaysa ee bal siddanna aan ku dayno.

Mudane Gudoomiye Cabdiraxman Cirro iyo Mudane Gudoomiye Faysal Cali Waraabi saaxiibaday waxaan leeyahay xuub caarro inama dhexyaalo faraq weyn oo Siyaasiya oo aan ku kala taganahay ma jiro ee yaan Ummadda iyo taageeradeedda mustaqbalka maanta iyo ka beriba laysu qoonsan ee xaajadda waa in laggu soo dabaallaa sharci iyo isu adeegsigga dastuurka aan dhiganay waa in aan lagu tuman oo bulshadda qaarkeed iyo inta hogaaminta hufan u baahan jarar lagga xoorin maranaba.

Arintu si kasta ha noqotee shir aanu gudoominayn Madaxweynaha Qaranku Mudane Ahmed Siilaanyo oo aan wasaaradda Arimaha Gudahu ansaxin caqligal, sharci iyo hanaan xalaala midna maha, markaa waxaa loo baahanyahay dadka wax loo sheeggo ee waxii iyaggoo qiiraysan Mareegaha, saxaafadda kala duwan iyo talafishinadda iskala soo fadhiista inay xishoodaan oo waxay sheegayaan caqli, aqoon iyo sharciyad u maraan oo hadalku si culus ugga soo go,o. Waayo, amuurta lagga hadlayaa ama lagu gafayaa waa noloshii iyo naftii shacabka reer Somaliland oo isqabsi iyo sharcidaro qaab fooddaa loo riixaayo, waxayna keeni kartaa in meesha lagu kala yaaco amuurtaasi, haddii aan layska qaban kuwa xaqiiqda iyo xaqa hareer marsan ee Siyaasadda xadhkaheedda weli aan toos u qabsan, waayo waa in siyaasiggu uu isku dayaa raadinta iyo helidda Kalsoonidda iyo Taageeradda shacabka reer Somaliland guud ahaan Bari ilaa Galbeed, taasi weeye midda loogga baahanyahay Mudane Cabdiraxman Cirro iyo Mudane Faysal Cali Waraabe ee loogama baahna wale beenna iyo walbahaar wiiqa Qaranka iyo qaynuunkiisa aan u samaysanay in aan ku kala baxno.

Waxaan shacabka reer Somaliland ku wargelinayaa inay iska jiraan fooddo iyo foolxumo sharcigga baalmarsan oo qolyaha Yurub qaxootigga ku ah ee Baasaabooradda dalalka shiyeeye sitaa inay mustaqbalkoodda gunta ka rujiyaan oo marka xaaladdu xumaatanna iska dhoofaan. Shacabka xalaashaa waxaan leeyahay kuwaasi idinka maha oo isku dan ma noqon kartaan qaarkood ama kuwa khayru masuulkaa, markaa waa in indho fiiq-fiiqan iyo dhegga fudud loo yeeshaa qaabka ay had iyo jeer u hurinayaan colaadda, isisudhka iyo aafadda Siyaasadeed ee Ummadda ay kula dhex jiraan oo ah aragti gaaban iyo guuritaan baas oo lagu ragaadinaayo hawlaha Qaranka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo aad ogtahiin heerarka kala duwan ee ay soo martay iyo tacabkeennii wadaagga ahaa dhamaanteen ee halkan aan ku keenay.

Dood cilmiyeed waa wax la garan karo oo qaab iyo sharciyad cad oo qeexan iska leh, oo aan ku kala xog iyo macluumaad qaadan karo inagga oo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo wasiirkeedda Mudane Cali Warancade waraaqda xalaalaynta ka haysanna, waanna inoo AMBASSATOR HUTEEL. Laakiin dood Cilmiyeedkaasi Gudoomiye Muuse Cabdilaahi sheegay waxii ka baxsan waa maamuus ka xayuubin iyo xadhig sharcigga aan dhiganay nin walba Katiinad ku jebin doonta ee ha lagga dheeraaddo waxii aan sharciggu xalaalayn.

Ninna sharcigga kama weyna ee yaan la darjiidhin ayaan leeyahay walaalayaal ee shirciyadda ha loo hogaansamo oo ummadda wax weyn ayeynu ka doonaynaa ee hala xanaanaysto iyo weliba Qaranka iyo halka loo suxulo duubanyahay.

Cabdilahi John
Liverpool
UK